{"id":1000009400,"date":"2025-07-26T19:09:34","date_gmt":"2025-07-26T19:09:34","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009400"},"modified":"2025-07-26T21:26:22","modified_gmt":"2025-07-26T21:26:22","slug":"baaris-gaar-ah-beegsiga-madaxtooyada-ee-guriga-dr-koofi-iyo-la-wareegidda-dhulkii-somali-airlines","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/07\/26\/baaris-gaar-ah-beegsiga-madaxtooyada-ee-guriga-dr-koofi-iyo-la-wareegidda-dhulkii-somali-airlines\/","title":{"rendered":"BAARIS GAAR AH: Beegsiga Madaxtooyada ee Guriga Dr. Koofi iyo La-wareegidda Dhulkii Somali Airlines"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday hirgelinta qorshe looga kicinayo dhulka ay dagan yihiin saraakiil iyo mas\u2019uuliyiin dowladeed oo hore. Magacyada laga barakicinayo dhul iyo deegaan ay hore u siisay dowladdu mas\u2019uuliyiintan, waxaa ugu horreeya Raysal Wasaare Ku Xigeen hore, Xildhibaano, Taliyayaal sirdoon, Agaasimiyaal soo maray hay\u2019adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka iyo shaqsiyaad kale oo xilal muhiim ah kasoo qabtay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Xukuumadda iyo hay\u2019adaha garsoorka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda ayaa go\u2019aanka la wareegista dhulka qaadatay kaddib markii Dr. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo soo noqday Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya uu si wayn uga soo dhexmuuqay Madasha Samatabixinta Soomaaliya, oo ah gole mucaarid oo diidan qaab hoggaaminta iyo qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee maaraynta kala guurka dalka iyo doorashooyinka qaran.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhulka oo intiisa badan ay lahayd shirkaddii Somali Airlines ayaa waxaa in muddo ah degganaa mas\u2019uuliyiin iyo saraakiil hore oo dowladihii kala dambeeyay ee dalka ku wareejisay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Amarka ka guurista dhulka ayaa markii hore lagu koobay Xoghaya Guud ee Madasha Samatabixinta Soomaaliya Dr. Maxamed Aadan Koofi, waxaana bannaynta dhulkan laga reebay mas\u2019uuliyiin hore oo degganaa, ayna kamid yihiin Raysal Wasaare Ku Xigeenkii hore ee Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd Prof. Maxamed Xaaji Ibraahim Aadan (Ibbi), Taliyihi hore ee Hay\u2019adda Nabad Sugidda Qaranka Janaraal Cabdullaahi Gaafoow oo muddo dheer ahaa Agaasimaha Hay\u2018adda Socdaalka, Taliyihii hore ee isla Hay\u2019adda Nabad Sugidda Janaraal Cabdiraxmaan Tuuryare, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdulqaadir Jaahwyan iyo Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Danjire Axmed Cali Daahir.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda ayaana bilihii la soo dhaafay isku dayaysay inay Dr. Koofi guriga uu deggan yahay kala wareegto, hase ahaate amarka Dowladda ayaa fuli waayey kaddib markii uu Dr. Koofi maciinsaday in dhulka danta guud ee Somali Airlines la wada banneeyo oo aan keligiis gaar loo beegsan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo ay Dowladda ku adkaatay inay Dr. Koofi si gaar ah uga rarto dhulka, haddana xog gaar ah oo heshay Somali Stream ayaa sheegaysa in Dowladdu ay markale beegsanayso Maxamed Aadan, hase ahaatee ay xeelad ku dartay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Maaraynta Mas\u2019uuliyiintii hore iyo meelaynta dhulka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Warar sugan oo ay heshay Somali Stream ayaa muujinaya in inta badan maasuuliyiinta aan xusnay ay isfaham iyaga iyo madaxda dowladda dhexmaray ay guryahaas ku banneeyeen si buuq la\u2019aan ah dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay. Xogta aan helnay ayaa caddaynaysa in Dowladdu ay dhawr koox u kala qaybisay dadkii degganaa dhulka Somali Airlines. Qaarkood ayaa loo kireeyay guryo kale oo ku yaalla meel aan ka fogeyn isla xayndaabka Garoonka Diyaaradaha, kuwa ayaa la siiyay dhul dan guud oo ay u adeegsan karaan si waafqasan hannaanka loo yaqaano \u201cku dhaqan\u201c oo uu qofku ku noolaan karo dhulka balse ay milkiyaddiisu leedahay Dowladda, halka laba kamid ah masuuliyiinta loo aamusay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda ayaa farsamadan u samaysay si uusan Dr. Koofi u helin marmarsiiyo uu kusii degganaado dhulka, maadaama ay garbihiisa banneeyeen saraakiishii iyo mas\u2019uuliyiintii la daggaanaa. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xoghaya Guud ee Madasha Mucaaridka ee Samatabixinta Soomaaliya ayaa haatan u muuqda mid galay go\u2019doon uu kali ku yahay, waxaana baaristan ku ogaannay in Koofi uu haatan bilaabay sidii uu uga qalab aruursan lahaa gurigiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda Federaalka ayaa kaddib markii ay la heshiisay saraakiisha kale oo aan ahayn Dr. Maxamed Aadan, waxay sheegtay in dhulkan dan guud lagu soo celinayo iyada oo farriimo u dirtay dhammaan saraakiishii iyo masuuliyiintii ku noolaa dhulkan, tilmaantayna inay aaggan go\u2018aan kasoo baxay Golaha Wasiirada loogu ansixiyay inay dagaan safaaradaha Masar, Ciraaq, Libya iyo Sucuudi Carabiya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Arrin kale oo taas ka geddisan ayaa ah, inay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligan dhulal cusub oo isla aaggaas ku yaalla siisay xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda, saraakiil ciidan iyo ganacstada gacan saarka la leh Madaxtooyada Soomaaliya. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhaqanka Dowladda ee barakicinta mas\u2019uuliyiinta hore iyo dejinta dad cusub ee isla aaggaas ayaa muujinaysa inaysan Dowladdu u marin hannaan sharci oo ay hufnaani ka muuqato iyadoo ay jiraan shakhsiyaad isla dhulkaas deggan oo laga reebay in dhulka ay daggan yihiin dib loogala noqdo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhulkan oo ku yaal dhabarka dambe ee xero kalluun ayaa kamid ahaa dhul badan oo ay dowladdu dad danyar ah hore ugu barakicisay, kaddibna ay xaraashtay, waxaana dhismayaasha ka socda leh, Wasiir Dowle ka mid ah xukuumadda, mid kamid ah labada Guddoomiye xigeen ee Golaha Shacabka, xildhibaanno iyo ganacsato aad ugu dhow Madaxtooyada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyay in dhulka ay danyarta ka saarto dib u xaraashto, waxaana warsaxaafadeedyo ay soo saareen hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo kuwa bulshada rayidka ah iyo qaylo-dhaan joogta ah oo ka timaada shacabka danyarta ahba ay si wayn uga digeen hab maamulka danta guud iyadoo Dowladda lagu eedeeyay inay qaab aan hore loo arag ay dhulkii danta guud u xaraashtay iyadoo loo marayo hannaan aan waafsanayn xeerarka iibka Qaranka ee Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Cabashada iyo qayla dhaanta ugu dambayay ayaa ka soo yeertay Isbitaalkii Lazzareti oo ay ku jiraan bukaanno laga daweeyo cudurka Qaaxada oo haddii bulshada lagu soo dhex daayo ay ka dhalan karto halis caafimaad iyo in xanuunkan uu bulshada ku dhexfaafo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba qaabka ay Dowladdu u maaraysay kiiska deegaanka Dr. Maxamed Aadan Koofi ayaa ah mid ku cusub dalka, maadaama ay Dowladdu shaqsi gaar ah oo mucaaridka ka tirsan ay gurigiisa dib ula wareegtay si u dareemo cabsi, ugana laabto mabaadi\u2019diisa siyaasadeed.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday hirgelinta qorshe looga kicinayo dhulka ay dagan yihiin saraakiil iyo mas\u2019uuliyiin dowladeed oo hore. Magacyada laga barakicinayo dhul iyo deegaan ay hore u siisay dowladdu mas\u2019uuliyiintan, waxaa ugu horreeya Raysal Wasaare Ku Xigeen hore, Xildhibaano, Taliyayaal sirdoon, Agaasimiyaal soo maray hay\u2019adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka iyo shaqsiyaad kale oo xilal muhiim [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009401,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009400","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009400","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009400"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009400\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009403,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009400\/revisions\/1000009403"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}