{"id":1000009380,"date":"2025-07-23T20:46:04","date_gmt":"2025-07-23T20:46:04","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009380"},"modified":"2025-07-25T11:40:27","modified_gmt":"2025-07-25T11:40:27","slug":"maxay-yihiin-5-ta-qodob-oo-uu-madaxweyne-xasan-ku-dhex-xallinayo-20-ka-maalmood-ee-uu-dalbaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/07\/23\/maxay-yihiin-5-ta-qodob-oo-uu-madaxweyne-xasan-ku-dhex-xallinayo-20-ka-maalmood-ee-uu-dalbaday\/","title":{"rendered":"Maxay yihiin 5-ta Qodob oo uu Madaxweyne Xasan ku Dhex Xallinayo 20-ka Maalmood ee uu Dalbaday?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is arag kale oo qeyb ka ahaa kulamadii uu la yeelanayay hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku midaysanyihiin xubno culus oo mucaarad ah ku casuumay Madaxtooyada Qaranka.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wada hadalladan oo aan warsaxaafadeed ah laga soo saarin markii ay soo dhammaadeen keddib codsi ka yimid Madaxweynaha, ayaa ilo labada dhinac ah xaqiijiyeen, in horumar laga gaaray wada hadallada<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>iyadoo lagu heshiiyay in muddo 20 maalmood ah keddib la isu soo laabto. Hase yeeshee, qodobka fududeeyay isfahamkan ayaa ahaa in Madaxtooyadu ka laabanaysa 4ta Cutub ee muranka dhaliyay ee Dastuurka, laakiin ay muhiim tahay inuu Madaxweynuhu la tashiyo kula laabto saaxiibadiisa Dowlad Goboleedyada iyo La-taliyeyaashiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkastoo ay Mucaaradku kusoo dhaweeyeen soojeedinta Madaxweynaha niyad sami, haddana waxay falanqeeyayaashu tilmaamayaan in Madaxweynuhu uu doonayo inuu iska xiro faylal saameyn ku yeelan kara wadaxaajoodyada mustaqbalka, kuwaas oo uusan furi karin haddii ay dib u bilowdaan wadahadalka mucaaridku ama ay heshiis gaaraan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Codsashada Madaxweynaha ee la tashiga saaxiibadiisa siyaasadda ayaa ahayd mid ku cusub doodaha socday, waxaana dadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheegeen inay tahay farsamo siyaasadeed oo Madaxweynuhu waqti kaga iibsanayo Mucaaridka, si uu u fuliyo mashaariic siyaasadeed oo muhiim u ah. Sababta loogu arkay in Madaxweynuhu shaqo kale qabsanayo, waa in uusan la tashan saaxiibadiisii siyaasadda muddada saddaxda sano iyo dheeraadka ah ee uu xukunka hayo, waxaana in badan oo kamid ah ay ka cabanayeen in Madaxweynuhu albaabka ka xirtay, u yeerista xilligan ahna ayaa qaybtood ku sheegeen dhammaystirka hawlo qabyo ka ah Madaxweynaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Haddaba, Madaxweynuhu muxuu muddadan kooban ku qabsan karaa si uu furimo siyaasadeed oo haatan ku furan isaga soo xiro; qayb kamid ah saaxiibadda Madaxweynaha ayaa kusoo koobay in Madaxtooyada ay shan gal meel kusoo hubsanayso.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">1. Iska-Dejinta Cadaadiska Beesha Caalamka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Tan iyo markii ay bilowdeen culeysyada ay abuureen Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah iyo Madaxda Mucaaradka ee Muqdisho fadhiya, Madaxtooyada waxaa ku socday cadaadis ay hoggaaminayaan Safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay taasoo looga dalbaday inuu qabto shir looga tashanayo arrimaha muranka dhaliyay ee wax ka baddalka dastuurka, doorashooyinka iyo la-dagaallanka Al Shabaab.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si cadaadisyadan uu Madaxweynuhu isaga dalfiyo, wuxuu maalinkii u dambeysay ee bishii Ramadaan fidiyay gogol wadatashi. Wuxuu mar kale gogol fidiyay bartamihii Juun taasoo ay qaadaceen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo labada Dowlad Goboleed ee aan kor ku xusnay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Intaas wixii ka dambeeyay Villa Soomaaliya waxay u dhaqaaqday inay wada hadallo ugu baaqdo Madasha Samatabixinta, taasoo ay aqbaleen hoggaanka Madashan. Kulamadan is daba joog ah ee mar walba 20ka maalmood loo dhaxaysiinayo waa fursad wanaagsan oo uu Xasan Sheekh Maxamuud isaga aamusiyay cadaadisyadii Beesha Caalamka. Intee ayay usii shaqeyn kartaa? Waqtigaa iyo fahamka mucaaridka ayaa<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ka jawaabi doona!<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">2. Dhismaha Maamulka SSC-Maakhir<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shaqo kale<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>oo Madaxtooyadu u aragto inay u tahay guushii ugu waynayd ee ilaa hadda la qabtay muddo xilleedka labaad ee Xasan Sheekh, waa dhismaha Maamulka SSC-Maakhir.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweynaha ayaa shaqo aad u ballaaran ka qabtay Gobollada SSC-Khaatumo tan iyo markii uu qarxay dagaalkii dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland ku dhexmaray magaalada Laasacaanood, taasoo 16 sano keddib ay reer SSC ay kusoo ceshteen maamul ay iyagu dhisteen.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweynuhu, xilligan xasaasiga ah ma xamili karo furin Xamar uga furan iyadoo hawshan ay haatan u egtahay mid uu ka lib keenayo. Hannaanka dowlad dhisidda gobolladan waxaa majaraha u haya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta deegaannada ku matala Dowladda Federaalka. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhismaha SSC-Khaatumo waxay Madaxtooyada Soomaaliya u aragtaa fursad lagu furfurayo Puntland oo haatan la daalaa dhacaysa gacan ku haynta deegaannada Gobolka Sanaag, waana guul siyaasadeed oo ay Villa Soomaaliya xaqiijinayso haddii ay hesho maamul ku hayb ah Puntland iyo Jubaland oo ku aragti ah siyaasadda Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">3. Xisaab xirka Jubaland<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Magacaabista Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) oo ay Dowladdu u magacowday Madaxa Xasilinta Gobolka Gedo waa tallaabo kale oo ay Villa Soomaaliya ku baacsanayso Maamulka Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee Jubaland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkastoo dagaalka ka qarxay Beled Xaawo uu yahay calaamadaha sii kala fogaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jubaland, haddana Madaxweynuhu wuxuu si dadban isugu dayay inuu aamusiyo mucaaradka si ays qaylo uga keenin arrimaha gedo. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madasha Samatabixinta oo aad moodo inay haatan kasoo baxday suuxdin dheer ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku dhaleecaynayso Dowladda Federaalka, waxaana durbadiiba bilowday dildilaac iyo aamin bax labada dhinac ah. Madaxweyne Xasan se, hawshiisa Gedo waa sii soconaysaa, wuxuuna ka rabaa inuu halkaas ka dhiso maamul cusub oo lagu liqdaaro Axmed Madoobaha Kismaayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">4. Dardargelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyada Qaranka gacanna maamul dhisid iyo diiwaangelin doorasho dadweyne ayay ku haysaa, gacanta kalena suubaan-salaax ayay ku haysaa mucaaradka fadhigoodu yahay Muqdisho. Waxaa hubanti ah in Madaxweyneyaasha Gobollada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle aysan diyaar u ahayn qorsheyaal doorasho uu carqaladayn kara muddo kordhinta ay haatan haystaan oo ah warqad cad oo ka siibtay culeyskii siyaasadeed ee mucaaradka deegaan walba.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maadaama qorshahan uusan hakan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>intii la waday wada xajoodka labada dhinac oo saddex is arag qaatay, mid afraadna loo madlanyahay 10ka Ogoosto, waxaa halkaas ka cad in Villa Soomaaliya aysan marnaba si sahlan uga tanaasuli karin qorshahan ay maal iyo waqti badan gelisay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">5. Kala Dhantaalka Madasha Samabixinta<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyadu waxay si dadban wada hadallo ula furtay qaar kamid ah Madasha Samatabixinta, waxayna ilaa iyo haatan ku guuleysatay in xubno kamid ah Madasha inay ku biiraan Dowladda, halka ilaa saddex xubnood lagu tuhunsan yahay inay si dadban ugu carrab laalaadinayaan Madaxweynaha oo uu isla mucaaradka dhexdiisa u adeegsaday in mar walba waqtiga loo kordhiyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madasha Samatabixinta waxaa ku wada jira rag is guraya oo aan isku jiho u socon. Kuwa waxay rabaan inay dano aan fogayn inay ku dhex fushadaan, qaar waxay doonayaan in kamid ahaanshaha Madashan inay wax uga goostaan Madaxweynaha, halka dhawr kamid ah ay ka go\u2019an tahay in lagu soo rido Madaxweynaha dhabbaha wadar-ogolka iyo wada-tashiga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Muddada uu codsaday Madaxweynaha waaa waqti ku filan in la kala dhantaalo midnimada Madasha Samatabixinta, lana kala dhexdhigo tuhun iyo is aaminaad la\u2019aan. Qodobkan dambe waaba uu bilowday oo waxaa socota in la is tuhmo. Waa istiraatiijiyad u shaqeyn karta Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xubno katirsan Madasha Samatabixinta oo aanu la hadalnay ayaa noo sheegay in ay qabaan dareenka muddo dheereysiga iyo waqti luminta ah ee uu Madaxweynuhu ku maaweelinayo. Hase yeeshee, waxay caddeeyeen in 10ka Ogoosto ay noqon karto bar-dhammaadka wadaxaajoodka, haddii uusan Madaxweynuhu muujin tanaasul ku saabsan arrimaha la iksu hayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba Madaxweynaha ayaa ku socda dhabbo uu yaqaan, waxaana u degsan qorshe uu qalin-daar ka ilaaliyay. Waxaana uu rabaa inuu gaarsiiyo Mucaaridka inay aqbalaan doorasho dadweyne ama ay banaanka ka istaagaan hanaanka doorashada dadban. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gacan ku haysata Doorasho dadweyne, gacanta kalana ku raadinaysa inay dhisto Dowlad goboleedyada oo mid ay miiska ka riixdo Axmed Madoobe mid kalena ay kula fariisato Siciid Deni; waa Qorshaha Gedo ka bilowday iyo dhismaha maamulka SSC-Maakhir. Labada qorshe Madaxweyne Xasan kii u hirgalaba waxaa uu taagan yahay guul siyaasadeed. Wax walba ayaa se ku xiran waqtiga oo caddeyn kara in qorsheyaasha ay Villa Soomaaliya isku aadisatay inuu dhaqan galo iyo inuu dhicisoobo.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is arag kale oo qeyb ka ahaa kulamadii uu la yeelanayay hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku midaysanyihiin xubno culus oo mucaarad ah ku casuumay Madaxtooyada Qaranka. Wada hadalladan oo aan warsaxaafadeed ah laga soo saarin markii ay soo dhammaadeen keddib codsi ka yimid Madaxweynaha, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009381,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1000009380","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009380","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009380"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009380\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009393,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009380\/revisions\/1000009393"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009381"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009380"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009380"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009380"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}