{"id":1000009368,"date":"2025-07-22T20:42:59","date_gmt":"2025-07-22T20:42:59","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009368"},"modified":"2025-07-22T22:01:04","modified_gmt":"2025-07-22T22:01:04","slug":"maanta-shalay-u-ekaa-jubaland-janan-iyo-jabhadayn-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/07\/22\/maanta-shalay-u-ekaa-jubaland-janan-iyo-jabhadayn-cusub\/","title":{"rendered":"Maanta iyo Shalay Isu Ekaa! Jubaland, Janan iyo Jabhadeyn Cusub"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dagaal dhex maray Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ee degmada ku sugnaa.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya u daabushay ciidan Degmada Beled Xaawo, si ay halkaas ugala wareegaan ciidan iyo saraakiil maamul oo daacad u ah Dowlad Goboleedka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dagaalka oo saacado ka socday magaalada gudaheeda ayaa istaagay kaddib markii ciidankii Dowladda Federaalka ay halkaas gaysay laga saaray gudaha magaalada, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta Somali Stream.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inuu yahay 7 qof iyo dhaawac ka badan 10 kale kuwaas oo isugu jira labada dhinac ee ku dagaallamay magaalada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo ciidankiisa ayaa waqtigan ku sugan goob lagu magacaabo Xero UK oo ah bar ay leeyihiin ciidanka laanta socdaalka oo magaalada kaga taal dhanka galbeed ee xigta xuduudka Kenya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ilo madaxbanaan ayaa inoo sheegay in dowladaha deriska la ah gobolka Gedo ay ka codsadeen ciidanka Axmed Madoobe inaysan soo dhaafin halka ay joogaan, ayna hakiyaan weerarka si uusan ugu soo fidin xuduud beenaadka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda Federaalka ayaa todobaadyadii tegay waqti badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd degmooyinka muhiimka ah ee Dooloow iyo Beled Xaawo, kuwaas oo ah marin istaraatiiji ah iyo bar xudeed ay ku kulmaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa oo si wayn uga caraysan doorashadii Axmed Madoobe ee dabayaaqadii sanadkii hore ayaa diyaariyay qorshe ay gacanta Jubaland uga saarayaan Gobolka Gedo. Waxaa qorshaha lagu bilaabay in gobolkaas la geliyo go\u2019odoon socdaal si looga hortago inay isku xirmaan Gedo iyo Jubada Hoose oo saldhig maamul iyo mid ciidan u ah maamulka Axmed Madoobe. Inkasta oo ay Dowladdu qaadday xayiraaddii hawada ee Gedo, haddana dhawr maalin kahor ayay kusoo celisay Degmada Dooloow.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Magacaabista Cabdirashiid Janan<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Tallaabo kale oo ay qaaday Dowladda Federaalka ah ayaa ah inay dib u hawl galisay Cabdrishiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Janan, kaas oo loo magacaabay Madaxa Xasilinta Gobolka Gedo, maanta ay isku dhacyada ka kaceen tagistiisa. Xilkan ayaa ka dhigan maamule idman oo ka awood badan hay\u2019ad kasta oo Gedo ku sugan, waxaana uu hoos tagaa taliska guud ee Hay\u2019adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Janan ayaa ah nin ay muran badan ku jirto shaqsiyadiisa iyo shaqadiisaba, waxaana si wayn loogu tilmaamaa siyaasi aan marna daacad u noqon maamulka magacaaba sida dhawr jeer oo hore la arkay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xilal kala duwan ayuu ka soo qabta Gobolka Gedo isagoo mar ahaa siyaasiga ugu awoodda badan Gedo, kahor inta uusan u wareegin maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe oo uu u noqday Wasiirka Amniga Jubaland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Muddadii uu xukunka hayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khilaaf la mid ah kan Xasan Sheekh Maxamuud uu haatan kula jiro Axmed Madoobe la galay, Cabdirashiid Janan ayaa dhextaal u ahaa khilaafkii markaas taagnaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa Janan uu marar kala duwan ka soo saftay dhinaca Dowladda, si lamid ah inuu dagaal la galay isaga oo taabacsan Axmed Madoobe.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Baaqyo kala duwan ayaa kasoo baxay eedeemo bini\u2019aadantinnimo oo loo haysto Cabdirashiid Janan, hase ahaate marna looma maxkamadayn danbiyada dagaal ee lagu eedeeyay inuu ka gaystay gobolka Gedo muddadii uu gacanta ku hayay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">U yeerista Cabdirashiid Janan iyo in loo dhiibo shaqo aad u muhiim ah oo gobolka Gedo ah ayaa loo fasiray in Madaxweyne Xasan iyo xukuumaddiisu aysan waan-waan dambe la galayn Axmed Madoobe, ballantuna ay tahay in xabbad lagu kala calaf qaado.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaase la yaab leh, jilaayaasha khilaafka Jubaland waa isla kuwii shalay, amuuraha la isku haysta waa isla kuwii dowladdii hore u caal wayday, halka Janan iyo jabhadayntiisa ay xudun u tahay sida loogu kala adkaanayo gacan ku haynta Gobolkaas, waxaa se muuqata in Itoobiya iyo Kenya oo gobolka derisa la ah inay faragelintoodii deegaankan ay sii joogtaynayaan.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dagaal dhex maray Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ee degmada ku sugnaa. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya u daabushay ciidan Degmada Beled Xaawo, si ay halkaas ugala wareegaan ciidan iyo saraakiil maamul oo daacad u ah Dowlad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009369,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009368","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009368","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009368"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009368\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009374,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009368\/revisions\/1000009374"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009369"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009368"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009368"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009368"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}