{"id":1000009362,"date":"2025-07-19T13:04:24","date_gmt":"2025-07-19T13:04:24","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009362"},"modified":"2025-07-19T13:41:29","modified_gmt":"2025-07-19T13:41:29","slug":"shirka-20-ka-luulya-madadaalaynta-mucaaridka-iyo-muddo-dheeraysiga-madaxweynaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/07\/19\/shirka-20-ka-luulya-madadaalaynta-mucaaridka-iyo-muddo-dheeraysiga-madaxweynaha\/","title":{"rendered":"Shirka 20-ka Luulya: Madadaalaynta Mucaaridka iyo Muddo Dheeraysiga Madaxweynaha"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><strong><em>W\/Q: Maxamed Odowaa<\/em><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Heer-kulka siyaasadda gudaha ee dalkeenna Soomaaliya waa mid aad u sarreeya waxaana illaa hadda aan muuqan hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, kaasoo looga gudbi karo khilaafka siyaasiga ah ee ku saabsan doorashooyinka heer qaran, gobol iyo deegaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud waxay wali ku taagantahay hannaan siyaasadeed oo ay natiijadiisa sii ogtahay, hase ahaatee uu mugdi badani kaga jiro kooxaha kale ee siyaasadda kula loolamaya (Mucaaradka).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa la filayaa wareegii sadexaad ee is-araga Mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Madaxwaynaha dowladda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Fadhigaas oo ah mid isha aad loogu hayo waxaa la qorsheeyay inuu qabsoomo mar kale barri oo ku beegan 20ka Luuliyo, waxayna dhinacyadu hadda ku jiraan doodo dhexdooda ah oo lafa jabis ah, si shirkaasi koox walba uga gaarto natiijo u qalanta sida ay rabto.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Maxaa laga fili karaa shirkaan ? <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shirka 20ka bisha, labo arrimood midkood ayaa laga filan karaa: <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">b), inuu noqdo shir ay ka soo baxaan natiijo shacabka Soomaaliyeed u riyaaqaan, sida in laga heshiiyo waxa dhabta ah ee la isku diidanyahay oo ah nuuca doorashooyinka 2026, guddiga doorashooyinka, dastuurka dalka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay waxaa loola jeedaa in wada-xaajoodka la ballaariyo oo la gaarsiiyo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in la dhagaysto aragtiyadda iyo tallooyinka dhinacyada kale ee siyaasadda sida madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">t), haddii haddaba, Madaxtooyadu ku adkaysato rabitaankeeda siyaasadeed,islamarkaana mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed aysan kala qaybsamin, waxaa markaa keddib, la filan karaa, hubanti la\u2019aan siyaasadeed oo baahnsan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Xeeladaha Siyaasadeed ee Madaxtooyadda: Dhagrid Mise Dhayid<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ciwaanka Villada ee shirkaan waa Wadatashi, halka ay Mucaaradku aamisanyihiin wada-xaajood, waxaana Dowladda Federaalka matalaya oo miiska u fadhiya Madaxwayne Xasan oo kaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mucaaradka ayaa horay miiska usoo saaray iyagoo rumeysan in Madaxwaynuhu burburiyay golihii siyaasadeed ee Wadatashiga Qaranka oo ka koobnaa Dowladda Federaalka iyo Maamullada Xubnaha ka ah Federaalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyadda ayaa u muuqata inay doonayso in shirarkaani ay noqdaan kuwa iska jiitama oo aan wax natiijo ah laga gaarin, gaar ahaan in la xakameeyo wax walba oo ka hor imaanaya mashruuca siyaasadeed ee dowladda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Doodihii shirarkii hore waxay u badnaayeen adkeynta midnimada dalka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, waxayna labada dhinac u muuqdaan inaan wax badan halkaan lagu kala aragti duwanayn.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhinacyada ayaa markaan diirrada saari doona ka gun-gaarida doorashooyinka lagu muransanyahay, qodobada dastuurka ee la beddelay iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin maamullada Puntland iyo Jubbaland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidoo kale waxaa doodaha socda ee Madasha Mucaaradka iyo Madaxtooyadda ka maqan Madaxwaynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu ka mid ah saamileyda siyaasadeed ee miisaanka leh.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyada, gaar ahaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciyaaraya tabo siyaasadeed oo uu ku kala qaybinayo safka mucaaradka, taasoo haddii ay u dhacdo sida Madaxwaynuhu rabo noqon karta dharbaaxo soo gaarta hoggaamiyayaasha mucaaradka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Farsamooyinka marin-habaabinta iyo waqti dhumiska ah ee Villada ee lagu khiyaanayo mucaaradka iyadoo waqtiga la jiidayo waxaa ka mid ah:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">1. Ku mashquulinta mucaaradka shirar waqti lumis ah, inta laga gaarayo dhamaadka muddo xileedka madaxtooyadda oo ay ka hartay 10 bilood oo kaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2. Ka faa\u2019iidaysiga iyo qiimeynta meelaha ay ka jilicsan yihiin xubnaha madasha samatabixinta ku mideysan;Tani waxay noqon kartaa in laga faa\u2019iideysto khaladaadkooda hore, khilaafaadkooda gudaha, ama xogaha shakhsiyeed si loo wiiqo sumcaddooda ama kalsoonida dadweynahu ku qabaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">3. Isticmaalka xeelado, si loo abuuro sawir khaldan ama lagu kiciyo shakiyo aan jirin oo kala qeybin ah. (Divide and rule)<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">4: In la qariyo ama la beddelo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dhacaya, iyadoo la abuurayo muuqaal cusub oo dadka lagu qaldo, si loo hakiyo\u00a0 ama loo burburiyo taageerada mucaaradka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">5. \u00a0kala dilidda mucaaradka dhexdiisa iyadoo la abuurayo xasarado iyo kalsooni darro u dhexeysa xubnaha mucaaradka, taas oo keeni karta burbur gudaha ah ama midnimo la\u2019aan marka ay timaado doodaha miiska saaran ee doorashooyinka iyo dastuurka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shirka loo madlan yahay 20ka bishaan waxaa horey u duray qaar ka mid ah madaxda Maamullada sida maamulka Puntland oo ku tilmaamay tallaabooyinka madaxtooyadda \u201cMADHALAYS,\u201d ayna tahay inaan waqtiga la isaga lumin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxyaabaha sii xoojinaya doodaha maamullada ka aragtida duwan madaxtooyadda waxaa ka mid ah iyadoo xukuumadu ay wali sii wado hab-dhaqankeeda taban ee ka dhanka ah maamullada sida Puntland iyo Jubbaland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Doorka Beesha Lixaad ee Xalane<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wakiillada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa iyana isha ku haya shirka 20ka bishaan, waxayna ka war sugayaan suurtagalinimada in shirkaas laga gaaro horrumar.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa la rumeysanyahay in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud shirarka mucaaradka uu isaga dejinayo cadaadiska wakiillada beesha caalamka ee sugan Muqdisho, hase yeeshee ugu dambayn waxaa la iswaydiinayaa go\u2019aanka beesha caalamka haddii ay fashilmaan doodaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida.<\/span><\/p>\n<p><em><strong>F.G: Faalladan waa mid ku dhisan aragtida qoraaga, loomana fasiran karo mid ka turjumeysa mowqifka Somali Stream.<\/strong><\/em><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q: Maxamed Odowaa Heer-kulka siyaasadda gudaha ee dalkeenna Soomaaliya waa mid aad u sarreeya waxaana illaa hadda aan muuqan hannaan siyaasadeed oo heshiis lagu yahay, kaasoo looga gudbi karo khilaafka siyaasiga ah ee ku saabsan doorashooyinka heer qaran, gobol iyo deegaan. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud waxay wali ku taagantahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009363,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009362","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009362","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009362"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009362\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009367,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009362\/revisions\/1000009367"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009363"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009362"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009362"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009362"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}