{"id":1000009348,"date":"2025-07-09T20:02:36","date_gmt":"2025-07-09T20:02:36","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009348"},"modified":"2025-07-09T20:03:24","modified_gmt":"2025-07-09T20:03:24","slug":"faallo-a%f0%9d%97%bf%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b4%f0%9d%98%81%f0%9d%97%b6%f0%9d%98%86%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%ae-s%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b9%f0%9d%97%b8%f0%9d%97%ae-%f0%9d%98%82-%f0%9d%97%ae","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/07\/09\/faallo-a%f0%9d%97%bf%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b4%f0%9d%98%81%f0%9d%97%b6%f0%9d%98%86%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%ae-s%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b9%f0%9d%97%b8%f0%9d%97%ae-%f0%9d%98%82-%f0%9d%97%ae\/","title":{"rendered":"\ud835\udc05\ud835\udc00\ud835\udc00\ud835\udc0b\ud835\udc0b\ud835\udc0e: \ud835\udc00\ud835\uddff\ud835\uddee\ud835\uddf4\ud835\ude01\ud835\uddf6\ud835\ude06\ud835\uddee\ud835\uddf1\ud835\uddee \ud835\udc12\ud835\uddee\ud835\uddf9\ud835\uddf8\ud835\uddee \ud835\ude02 \ud835\uddee\ud835\uddf5 \ud835\udde6\ud835\uddf6\ud835\ude06\ud835\uddee\ud835\uddee\ud835\ude00\ud835\uddee\ud835\uddf1\ud835\uddf1\ud835\uddee \ud835\udc02\ud835\uddee\ud835\uddee\ud835\uddf9\ud835\uddee\ud835\uddfa\ud835\uddf6\ud835\uddf4\ud835\uddee \ud835\uddee\ud835\uddf5 (\ud835\udc08\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc2d\ud835\udc22\ud835\udc28\ud835\udc27\ud835\udc1a\ud835\udc25 \ud835\udc0f\ud835\udc28\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc2d\ud835\udc22\ud835\udc1c\ud835\udc2c)"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><strong>Bashiir Cali Xaashi<\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dunida waxaa ka alloosan xiisad, colaad iyo qalqal. Dalkii dunida ugu awoodda badnaa ayay inta badan ka soo baxayaan, sharciyo, amarro iyo goodis dunida inteeda badan qalqal ku haya. Saddex aragti siyasaadeed oo lagu barto siyaasadda caalamiga ah haddii aadan wax ka fahamsanayn, waad ku jahawareeraysaa waxa dunida ka socda maanta. Si aad u fahanto gunta qilaafaadka siyasadeed ee caalamka bal dhammeeyso qormadaan hoose, oo ku qotonta cilmi baaris aqooneed oo suggan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Aragtida Suuragalka (Realism Theory)<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aragtida Realism-ku waa mid ka mid ah aragtiyaha ugu faca weyn uguna saameynta badan ee lagu sharxo siyaasadda caalamiga ah (IP). Realism-ku wuxuu aaminsan yahay in nidaamka dunida uu yahay mid si foowda ah u qaabeeysan (anarchically structured) oo aan lahayn awood dhexe oo ka talisa ama ku khasbi karta dawladaha in ay u hoggaansamaan sharciyo ama heshiisyo caalami ah. Taasi micnaheedu ma aha in dunidu tahay meel foowda ah, balse waxay la macno tahay in dunida aysan ka jirin hal doowlad oo wada xukunta. Dawladuhu waa kuwo gooni u taagan, mid walbana si madax-bannaan ayey uga talisaa arrimaheeda, mana jiro hay\u2019ad awood u leh in si buuxda u maamusho ama u ciqaabto marka ay jebiyaan heshiisyada ama xeerarka caalamiga ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">In kasta oo ay jiraan xeerar caalami ah iyo maxkamado dunida ka jira, sida Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, haddana fulinta sharciyadan way adag tahay, saddex sabab awgeed:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; Dawladuhu waxay leeyihiin madax-bannaani buuxda, waana iyaga keliya kuwa go\u2019aamin kara waxa ka dhaca dhulkooda<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; Waxaa jira mabda\u2019a ah in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dal kale<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; Dunidu ma laha dowlad dhexe oo caalami ah (Supreme world government) oo awood u leh inay qasab ku fuliso xeerarka ama ciqaabta jebintooda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidaa darteed, dawlad kastaa waxay u shaqeysaa si madax-bannaan, iyadoo difaacanaysa danaha ay u aragto in ay muhiim u yihiin jiritaankeeda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Realism-ku wuxuu qabaa in nidaamkan foowdada ku saleysan uu si dabiici ah u abuurayo tartan iyo loollan u dhexeeya dawladaha. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad kastaa ay ku khasban tahay in ay ilaaliso ammaankeeda, kana fakarto sida ay u kororsan karto awood ciidan, dhaqaale, saameyn siyaasadeed ama xulafeysi istaraatiji ah. Yoolka ugu dambeeya ee doowlad kasta oo awood leh waa in ay hesho saamiga ugu weyn ee awoodda caalamiga ah si ay u xukunto dunida ama ugu yaraan uga badbaado Qatar amni.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Realism-ku ma aha aragti mid ah oo kali ah; waxaa jira laba laamood oo waaweyn: Classical realism iyo Neorealism. Classical realism waxay salka ku haysaa fikirkii faylasuufyadii waqtiga hore sida Thucydides, Machiavelli, iyo Hobbes, kuwaasoo rumeysanaa in dadka iyo dawladahu labaduba ay leeyihiin rabitaan dabiici ah oo ah in ay wax xukumaan oo ay kasbadaan awood (&#8220;\ud835\ude22\ud835\ude2f \ud835\ude2a\ud835\ude2f\ud835\ude2f\ud835\ude22\ud835\ude35\ud835\ude26 \ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude34\ud835\ude2a\ud835\ude33\ud835\ude26 \ud835\ude35\ud835\ude30 \ud835\ude25\ud835\ude30\ud835\ude2e\ud835\ude2a\ud835\ude2f\ud835\ude22\ud835\ude35\ud835\ude26 \ud835\ude30\ud835\ude35\ud835\ude29\ud835\ude26\ud835\ude33\ud835\ude34&#8221;).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Qoraayaal sida Hans Morgenthau ayaa qabay in dawladuhu sida qofka oo kale ay u leeyihiin dano shakhsiyadeed iyo rabitaan xukun. Dhanka kale, neorealism-ka oo uu hormuud u yahay Kenneth Waltz wuxuu xoogga saaraa qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah halka uu ka eegi lahaa dabeecadda aadanaha. Waltz wuxuu ku doodaa in sababta dhabta ah ee keenta tartanka iyo loollanka dawladaha aysan ahayn rabitaanka awood ee dadka, balse ay tahay qaab-dhismeedka nidaamka caalamiga ah ee aan lahayn awood dhexe (\ud835\ude22\ud835\ude2f\ud835\ude22\ud835\ude33\ud835\ude24\ud835\ude29\ud835\ude2a\ud835\ude24 \ud835\ude34\ud835\ude35\ud835\ude33\ud835\ude36\ud835\ude24\ud835\ude35\ud835\ude36\ud835\ude33\ud835\ude26).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidaas darteed, dawlad walba waxay ku khasban tahay in jiritaankeedu uu ku tiirsanaado awoodeeda, waayo cid kale ma jirto oo u dammaanad qaadi karta nabadgelyadeeda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa jira saddex arrimood ama aragtiyadeed oo mideeya dhammaan qaybaha kala duwan ee Realism-ka, kuwaas oo loo yaqaan \u201c\ud835\udde6\ud835\uddee\ud835\uddf1\ud835\uddf1\ud835\uddf2\ud835\ude05 xagalka\ud835\udde6\u201d:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\ud835\udfed. <strong>Dawladnimo<\/strong> (\ud835\udde6\ud835\ude01\ud835\uddee\ud835\ude01\ud835\uddf6\ud835\ude00\ud835\uddfa). Dhammaan aqoonyahanada aragtidaan waxa ay amminsanyihiin in doowladdu tahay jilaaga ugu muhiimsan siyaasadda dunida (\ud835\ude34\ud835\ude35\ud835\ude22\ud835\ude35\ud835\ude26 \ud835\ude2a\ud835\ude34 \ud835\ude35\ud835\ude29\ud835\ude26 \ud835\ude2e\ud835\ude22\ud835\ude2a\ud835\ude2f \ud835\ude22\ud835\ude24\ud835\ude35\ud835\ude30\ud835\ude33 \ud835\ude2a\ud835\ude2f \ud835\ude2a\ud835\ude2f\ud835\ude35\ud835\ude26\ud835\ude33\ud835\ude2f\ud835\ude22\ud835\ude35\ud835\ude2a\ud835\ude30\ud835\ude2f\ud835\ude22\ud835\ude2d \ud835\ude31\ud835\ude30\ud835\ude2d\ud835\ude2a\ud835\ude35\ud835\ude2a\ud835\ude24\ud835\ude34), madax banaanida dhuleedna ay tahay lama taabtaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\ud835\udfee. <strong>Jiritaan<\/strong> (\ud835\udde6\ud835\ude02\ud835\uddff\ud835\ude03\ud835\uddf6\ud835\ude03\ud835\uddee\ud835\uddf9): Madaama ay aminsanyihiin in dunidu tahay keeyn sharci la\u2019aan ah, waxa ugu muhiimsan ee dal ka fakaro waa sida uu ku jiri lahaa. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad walba ay waajib ku tahay in ay jiritaankeeda ilaaliso, xitaa haddii ay taasi keeneyso in ay la dagaallanto dawlad kale ama ay xitaa waxyeelayso dadkeeda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\ud835\udfef. <strong>Isku filnaasho<\/strong> (\ud835\udde6\ud835\uddf2\ud835\uddf9\ud835\uddf3-\ud835\uddf5\ud835\uddf2\ud835\uddf9\ud835\uddfd). Maaddaama ay aminsanyihiin in dunidu foowdo tahay waa in aad ku tiirsanaato naftaada oo aysan jirin cid kale oo aad isku haleeyso, waa halka reer mudugu ka dhahaan \u201c\ud835\ude39\ud835\ude22\ud835\ude2f\ud835\ude2a\ud835\ude2a\ud835\ude2f\ud835\ude3a\ud835\ude22\ud835\ude29\ud835\ude22\ud835\ude22\ud835\ude28\ud835\ude22 \ud835\ude27\ud835\ude36\ud835\ude36\ud835\ude2d\u201d.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aragtidani waxa ay aaminsantahay ma taqaanid waxa ku jira maskaxdda saaxiibkaa, sidaa darted shar ka filo. Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa ee keeyb la yuurar ahaaw. Mid ka mid ah qorayaasha aaminsan fikirkaan oo ameerikaan ah ayaa qoray \u201c\ud835\ude10\ud835\ude27 \ud835\ude20\ud835\ude30\ud835\ude36 \ud835\ude1e\ud835\ude22\ud835\ude2f\ud835\ude35 \ud835\ude17\ud835\ude26\ud835\ude22\ud835\ude24\ud835\ude26, \ud835\ude17\ud835\ude33\ud835\ude26\ud835\ude31\ud835\ude22\ud835\ude33\ud835\ude26 \ud835\ude27\ud835\ude30\ud835\ude33 \ud835\ude15\ud835\ude36\ud835\ude24\ud835\ude2d\ud835\ude26\ud835\ude22\ud835\ude33 \ud835\ude1e\ud835\ude22\ud835\ude33\u201d, haddii aad nabad rabto u diyaar garoow dagaal nukleeyr, oo uu ula jeedo nabad lama baryo, ee shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Aragtida Dabar la\u2019aanta: Liberalism<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Liberalism waa aragti siyaasadeed oo qabta in nabad, horumar, iyo iskaashi caalami ah ay suurtagal yihiin haddii dawladaha iyo bulshooyinka ay yeeshaan xiriir furan oo ku saleysan cadaalad, dimuqraadiyad, iyo wadajir. Tani waxay si weyn uga duwan tahay aragtida Realism-ka, taas oo u aragta dunida meel uu ka jiro tartan joogto ah oo dawladuhu ku loollamayaan awood iyo amni. Halkii dagaal iyo cabsi laga baqi lahaa sida ay Realist-yaashu qabaan, Liberalism-ku wuxuu aaminsan yahay in la abuuri karo nidaam caalami ah oo lagu wada shaqeeyo, laguna saleyn karo kalsooni, xushmad iyo is-dhexgal.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Liberalistayaashu sidoo kale waxay aaminsanyihiin in dunidu isku sidkantahay (\ud835\ude2a\ud835\ude2f\ud835\ude35\ud835\ude26\ud835\ude33\ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude31\ud835\ude26\ud835\ude2f\ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude2f\ud835\ude35). Taasi micnaheedu waa in wixii meel ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan meelo kale. Colaado, cuduro, ama dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhaca hal dal, waxay si toos ah u taaban karaan dalal kale, taasoo muujinaysa baahida loo qabo iskaashi iyo xalal wadajir ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Intaa waxaa dheer, Liberalism-ku uma arko dawladaha oo keliya inay yihiin jilayaasha hoggaamiya siyaasadda caalamiga ah. Waxay muhiimad siisaa hay\u2019adaha aan dawliga ahayn, ururrada caalamiga ah, shirkadaha waaweyn, iyo xitaa shakhsiyaadka saameynta leh. Qaramada Midoobay, iyo hay\u2019ado kale ayaa loo arkaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xasillinta dunida iyo ilaalinta nabadda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee aragtida Liberalism-ka waa in nabadda lagu hanan karo dimuqraadiyad. Fikraddan waxaa seeska u dhigay faylasuufkii Jarmalka ahaa \ud835\udddc\ud835\uddfa\ud835\uddfa\ud835\uddee\ud835\uddfb\ud835\ude02\ud835\uddf2\ud835\uddf9 \ud835\uddde\ud835\uddee\ud835\uddfb\ud835\ude01, oo ka mid ahaa maskaxdii hormuudka u ahayd fikirka Liberalism-ka ee waqtigii iftiiminta Yurub. Kant waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee si nidaamsan u horumariyay ajandaha fikradaha Liberalism-ka, gaar ahaan buuggiisa caanka ah ee la yiraahdo \ud835\ude17\ud835\ude26\ud835\ude33\ud835\ude31\ud835\ude26\ud835\ude35\ud835\ude36\ud835\ude22\ud835\ude2d \ud835\ude17\ud835\ude26\ud835\ude22\ud835\ude24\ud835\ude26 (Nabadda waarta).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kant wuxuu ku dooday in si loo gaaro nabad waarta loo baahanyahay in la buuxiyo saddex shardi. Shardiga kowaad waa in dal walba uu qaato dastuur dimuqraadi ah oo awoodda lagu saleeyay rabitaanka shacabka, isla markaana shacabku uu dawladda la xisaabtamo. Shardiga labaad waa in dawladaha ay dhistaan heshiis caalami ah oo wadajir ah oo si rasmi ah u diidaya dagaal, una beddela is-faham iyo iskaashi. Shardiga saddexaadna waa in bulshada caalamka laga hirgeliyo akhlaaq guud oo bini\u2019aadantinimo ku dhisan (&#8220;\ud835\ude0a\ud835\ude30\ud835\ude34\ud835\ude2e\ud835\ude30\ud835\ude31\ud835\ude30\ud835\ude2d\ud835\ude2a\ud835\ude35\ud835\ude22\ud835\ude2f \ud835\ude2e\ud835\ude30\ud835\ude33\ud835\ude22\ud835\ude2d\ud835\ude2a\ud835\ude35\ud835\ude3a&#8221;), taas oo ku saleysan sinnaan iyo ixtiraam dhammaan dadka, meel kasta oo ay joogaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Fikradaan waxaa qarnigii 20-aad sii horumariyay \ud835\udde0\ud835\uddf6\ud835\uddf0\ud835\uddf5\ud835\uddee\ud835\uddf2\ud835\uddf9 \ud835\uddd7\ud835\uddfc\ud835\ude06\ud835\uddf9\ud835\uddf2, gaar ahaan 1980-meeyadii, isagoo xoojinaya aragtida loo yaqaan \ud835\ude0b\ud835\ude26\ud835\ude2e\ud835\ude30\ud835\ude24\ud835\ude33\ud835\ude22\ud835\ude35\ud835\ude2a\ud835\ude24 \ud835\ude17\ud835\ude26\ud835\ude22\ud835\ude24\ud835\ude26 \ud835\ude1b\ud835\ude29\ud835\ude26\ud835\ude30\ud835\ude33\ud835\ude3a (Aragtida Nabdoon)- taasoo ku doodaysa in dalalka dimuquraadiga ah ay ka nabad badanyihiin kuwa kaligii talisyada. Sidoo kalana ku doodaysa in uusan taariikhda dal dimuqraadi ah uusan dagaal la galin dal kale oo dimuqraadi ah. Aragtidan waxay ku saleysan tahay in dimuqraadiyaddu ay dhaliso hufnaan, kalsooni, iyo isla xisaabtan, taasoo meesha ka saarta sababaha keena dagaalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Liberalism-ku wuxuu leeyahay saddex laan oo muhiim ah. Laanta koowaad waxay sheegaysaa in isku-tiirsanaanta dhaqaale (&#8220;\ud835\ude0c\ud835\ude24\ud835\ude30\ud835\ude2f\ud835\ude30\ud835\ude2e\ud835\ude2a\ud835\ude24 \ud835\ude2a\ud835\ude2f\ud835\ude35\ud835\ude26\ud835\ude33\ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude31\ud835\ude26\ud835\ude2f\ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude2f\ud835\ude24\ud835\ude26&#8221;) ay yaraynayso suurtagalnimada dagaal, maaddaama dagaalku uu dhaawacayo danaha dhaqaale ee labada dhinac. Laanta labaad waxaa lala xiriiriyaa fikraddii Madaxweynihii hore ee Mareykanka \ud835\uddea\ud835\uddfc\ud835\uddfc\ud835\uddf1\ud835\uddff\ud835\uddfc\ud835\ude04 \ud835\uddea\ud835\uddf6\ud835\uddf9\ud835\ude00\ud835\uddfc\ud835\uddfb, oo rumeysnaa in faafinta dimuqraadiyaddu ay tahay furaha nabadda caalamka. Laanta saddexaad waa awood siin kaalinta ay hay\u2019adaha caalamiga ah ka ciyaaraan sugidda amniga dunida, xallinta khilaafaadka, iyo horumarinta iskaashi caalami ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Aragtida Asal raaca ee Maarkis: Marxism<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aragtida Marxism-ka waa mid ka mid ah saddexda aragti ee ugu weyn ee lagu barto siyaasadda caalamiga ah, iyadoo si gaar ah uga falcelisa aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka. Halka Realism-ku uu xoogga saaro awoodda dawladaha iyo loollanka amni, Liberalism-kuna uu rajo ka muujiyo iskaashi iyo dimuqraadiyad keeni karta nabad iyo horumar, Marxism-ku wuxuu si qoto dheer u eegaa qaab-dhismeedka dhaqaale ee nidaamka caalamiga ah. Aqoonyahanka aragtidani waxa ay aaminsanyihiin in khilaafaadka dunida iyo sinnaan la\u2019aanta ka jirta aysan ahayn wax ka dhashay amni la\u2019aan ama sharci la\u2019aan, balse ay tahay natiijo ka dhalatay nidaamka dhaqaale oo caddaalad-darrada ku dhisan oo loogu yeero raasamaalka (Capitalism).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Marxism-ka waxaa sal u ah fikirka \ud835\uddde\ud835\uddee\ud835\uddff\ud835\uddf9 \ud835\udde0\ud835\uddee\ud835\uddff\ud835\ude05, oo ahaa faylasuuf Jarmal ah oo qarnigii 19-aad soo baxay. Marx wuxuu aaminsanaa in taariikhda bulshooyinka laga akhrisan karo iyada oo la fahmayo xiriirka u dhexeeya hantida (Capital) iyo shaqada (Labor). Tani waa waxa loo yaqaan \ud835\ude29\ud835\ude2a\ud835\ude34\ud835\ude35\ud835\ude30\ud835\ude33\ud835\ude2a\ud835\ude24\ud835\ude22\ud835\ude2d \ud835\ude2e\ud835\ude22\ud835\ude35\ud835\ude26\ud835\ude33\ud835\ude2a\ud835\ude22\ud835\ude2d\ud835\ude2a\ud835\ude34\ud835\ude2e(Asal-raacidda walxaha) aragti sheegaysa in isbeddelada bulshada ee dhanka siyaasadda, sharciga iyo xukunka ay salka ku hayaan qaabka ay u dhisan tahay hantidu: yaa leh, yaase shaqeeya. Marx wuxuu yiri, cidda haysata hantida ayaa xukunta bulshada, nidaamka raasumaalkuna wuxuu si joogto ah u abuuraa kala sarayn bulsho.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidaas darteed, Marxist-yaashu waxay ku doodaan in dawladuhu aysan dhab ahaan u matalin danta guud ee shacabka, sida ay ku doodaan aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka, balse ay yihiin aalad ay dabaqadda hantida haysta u adeegsato ilaalinta danahooda gaar ahaaneed. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aqoonyahanka Robert Cox, oo ka tirsan fikirka Marxist-ka, ayaa arrintan sii xoojiyay isagoo ku dooday in aragti kasta ay u adeegto cid gaar ah iyo ujeeddo gaar ah: \u201c\ud835\ude35\ud835\ude29\ud835\ude26\ud835\ude30\ud835\ude33\ud835\ude3a \ud835\ude2a\ud835\ude34 \ud835\ude22\ud835\ude2d\ud835\ude38\ud835\ude22\ud835\ude3a\ud835\ude34 \ud835\ude27\ud835\ude30\ud835\ude33 \ud835\ude34\ud835\ude30\ud835\ude2e\ud835\ude26\ud835\ude30\ud835\ude2f\ud835\ude26 \ud835\ude22\ud835\ude2f\ud835\ude25 \ud835\ude27\ud835\ude30\ud835\ude33 \ud835\ude34\ud835\ude30\ud835\ude2e\ud835\ude26 \ud835\ude31\ud835\ude36\ud835\ude33\ud835\ude31\ud835\ude30\ud835\ude34\ud835\ude26.\u201d Wuxuu ku dooday in aragtida Realism-ka oo sheegta in ay xaqiiqada sida ay tahay u sawirto, ay dhab ahaantii tahay hab lagu sharciyeeyo laguna ilaaliyo nidaamka galbeedka ee gacanta sare ee hadda dunida ka taliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Marxism-ka casriga ah wuxuu adeegsadaa fikradda \ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude31\ud835\ude26\ud835\ude2f\ud835\ude25\ud835\ude26\ud835\ude2f\ud835\ude24\ud835\ude3a \ud835\ude35\ud835\ude29\ud835\ude26\ud835\ude30\ud835\ude33\ud835\ude3a (aragtida ku tiirsanaanta), taas oo tilmaamaysa sida dhaqaalaha caalamiga ahi (Global economic system), u yahay mid ku dhisan cadaalad darro iyo kala sarayn. Fikraddani dunida waxa ay u kala qeybisay saddex qaybood:<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; \ud835\uddd6\ud835\uddfc\ud835\uddff\ud835\uddf2 \ud835\uddf0\ud835\uddfc\ud835\ude02\ud835\uddfb\ud835\ude01\ud835\uddff\ud835\uddf6\ud835\uddf2\ud835\ude00: Dalalka hodanka ah ee horumaray sida Maraykanka iyo Yurub,<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; \ud835\udde3\ud835\uddf2\ud835\uddff\ud835\uddf6\ud835\uddfd\ud835\uddf5\ud835\uddf2\ud835\uddff\ud835\ude06 \ud835\uddf0\ud835\uddfc\ud835\ude02\ud835\uddfb\ud835\ude01\ud835\uddff\ud835\uddf6\ud835\uddf2\ud835\ude00: Dalalka saboolka ah ee laga soo gurto (raw-materiall) sida Afrika iyo qaybo badan oo Aasiya ah<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8211; \ud835\udde6\ud835\uddf2\ud835\uddfa\ud835\uddf6-\ud835\uddfd\ud835\uddf2\ud835\uddff\ud835\uddf6\ud835\uddfd\ud835\uddf5\ud835\uddf2\ud835\uddff\ud835\ude06 \ud835\uddf0\ud835\uddfc\ud835\ude02\ud835\uddfb\ud835\ude01\ud835\uddff\ud835\uddf6\ud835\uddf2\ud835\ude00: Dalalka<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>dhexdhexaadka ah ee horumaraya sida Brazil ama Hindiya oo mararka qaar si gaar ah uga faa&#8217;iidaysta nidaamka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Fikraddan waxay muujinaysaa in dalalka hodanka ahi ay si joogto ah u sii haystaan faa&#8217;iidada dhaqaale iyo midda fikradeed, iyagoo adeegsanaya sharciyo, suuqyo, iyo hay\u2019ado caalami ah oo u muuqda kuwo caddaalad ah balse dhab ahaantii u adeega danaha kuwa xoogga leh. Tusaale ahaan, farqiga u dhexeeya qiimaha waxyaabaha ceeriin ee laga helo dalalka saboolka ah iyo qiimaha alaabada laga sameeyo waxyaabaha ceeriin ee dunida faqriga ah laga soo saaro, ee lagu farsameeyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">wadamada horumaray waa mid sii kordhaya waqtiba waqtiga ka danbeeya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Tusaale la taaban karo oo arrintan xaqiijinaya ayaa ah \ud835\ude04\ud835\uddee\ud835\uddff\ud835\uddef\ud835\uddf6\ud835\ude05\ud835\uddf6\ud835\uddfb\ud835\ude01\ud835\uddf6\ud835\uddf6 \ud835\udde2\ud835\ude05\ud835\uddf3\ud835\uddee\ud835\uddfa \ud835\uddf2\ud835\uddf2 \ud835\udfee\ud835\udfec\ud835\udfed\ud835\udff5, taasoo lagu sheegay in 26 da qof ee ugu taajirsan dunida ay haystaan hanti la mid ah tan ay wada haystaan 3.8 bilyan oo qof, taasoo ka dhigan kala bar dadka dunida ku nool. Tani waxay si muuqata u muujinaysaa in nidaamka dhaqaale ee hadda jira uu u adeegayo koox yar, halka inta kale ee badan ay la ildaran yihiin saboolnimo iyo shaqo la\u2019aan. Xarunta Oxfam waxa ay si sanadla ah u siideeysaa warbixin ka hadasho kala saraynta dhaqaale iyo faqriga sii kordhaya ee dunida, maalin ka hor inta uusan furmin shirka sanadlaha ah ee maalqabeenka adduunku ku kulmaan magalada Davos ee dalka Switzerland.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aragtida Marxism-ka waxay sidoo kale tilmaamaysaa in saboolnimadu aysan ahayn xaalad dabiici ah oo iska abuurantay, balse ay tahay wax si ula kac ah loo abuuro loona joogteeyo. Suuqa xorta ah ee ay Liberalist-yaashu taageeraan, Marxist-yaashu waxay u arkaan mid si toos ah u kala sareeysiiya dadka. Sidaas darteed, Marxism-ku wuxuu dhiirrigelinayaa in laga horyimaado nidaamkaas cadaalad-darrada ah lana saxo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><em><span class=\"s1\">Bashiir Cali Xaashi waa Cilmi-baare ku xeeldheer horumarinta bulshada iyo magaalooyinka. Waxaa lagala xiriiri karaa<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Bashkacali8@gmail.com<\/span><\/em><\/strong><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bashiir Cali Xaashi Dunida waxaa ka alloosan xiisad, colaad iyo qalqal. Dalkii dunida ugu awoodda badnaa ayay inta badan ka soo baxayaan, sharciyo, amarro iyo goodis dunida inteeda badan qalqal ku haya. Saddex aragti siyasaadeed oo lagu barto siyaasadda caalamiga ah haddii aadan wax ka fahamsanayn, waad ku jahawareeraysaa waxa dunida ka socda maanta. Si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009349,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009348","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009348","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009348"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009348\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009351,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009348\/revisions\/1000009351"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009349"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009348"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009348"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009348"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}