{"id":1000009259,"date":"2025-05-21T04:09:26","date_gmt":"2025-05-21T04:09:26","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009259"},"modified":"2025-05-21T06:34:00","modified_gmt":"2025-05-21T06:34:00","slug":"xogta-khilaafka-ka-dhaxeeya-dowladda-federaalka-iyo-imaaraadka-carabta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/05\/21\/xogta-khilaafka-ka-dhaxeeya-dowladda-federaalka-iyo-imaaraadka-carabta\/","title":{"rendered":"Xogta Khilaafka Soo Ifbaxaya ee Dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Tan iyo markii si rasmi ah loo galay dhammaadka sannadkii saddexaad ee xil hayntiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu wajahaya xaalad siyaasadeed oo cirka isku sii shareeraysa, iyada oo ay isa soo tarayaan dhaqdhaqaaqyo mucaaradnimo oo xooggan, kuwaas oo ay hoggaan u yihiin kooxo si dhaw ula shaqeeya Imaaraadka Carabta.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladdan Khaliijka ayaa iminka isu beddeshay tii ugu horreeysay ee taageero buuxda siisa mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh, inkastoo ay hore u ahayd dowladdii ugu horreeysay ee Madaxweynaha uu safar rasmi ah ku tago markii dib loo doortay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kala taga laba dhinac, sababaha aan la isu qaadaan karin markale iyo tallaabooyinka ay qorshaysteen inay qaadaan ayaa warbixintan kaga bogan doontaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Bilowgii Khilaafka: Weerarkii Xerada Gordan<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Khilaafka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta waxa uu si cad u soo ifbaxay kaddib weerarkii lagu qaaday Xerada Tababarka Gordan ee magaalada Muqdisho bishii Febraayo 2024, halkaas oo ay ku dhinteen saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidamada Imaaraadka. Weerarkaas ayaa si weyn u dhaawacay xiriirkii labada dowladood, iyadoo Imaaraadku isla markiiba jareen taageeradii maaliyadeed iyo tababarradii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka qeyb qaadanayey howlgalka lagula dagaallamayo Al Shabaab ee ka socday Hirshabeelle iyo Galmudug.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho tacsi ah ku tagay Abu Dhabi, haddana Dowladda Imaaraadka waxay kusoo rogeen shuruudo adag si ay dib ugu soo celiyaan taageeradoodii. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shuruudahaas waxaa kamid ahaa, in xilka laga qaado Mahad Maxamed Salaad, Agaasimihii NISA ee xilligaas, in xilalka laga saaro saraakiil ciidan iyo mas\u2019uuliyiin muhiim ah sida Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo ay Imaaraadka ku xaglinayeen inuu leeyahay afkaaro taabacsan Ikhwaanul Muslimiinka iyo in meesha laga saaro siyaasiyiin saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha, sida Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaarkood fuliyay \u2014 sida xil ka qaadista Mahad Salaad iyo Yuusuf Madaale \u2014 haddana Imaaraadku kuma aysan soo celin taageeradii, waxayna kusii adkaysteen fulinta dhammaan shuruudaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diidmadeed ku sababaysay sida aan ogaannay in marka hore Imaaraadku kasoo tago saaxiibadiisa Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland, si Madaxweynuhu uga soo tago saaxiibadiisa waqtiga iyo xukunka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Dib u Abaabulka Imaaraadka ee Mucaaradka <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda Imaaraadka oo dareentay in aan la fulin rabitaankeedii siyaasadeed, waxay bilowday olole siyaasadeed oo lagu taageerayo mucaaradka gudaha Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in siyaasiyiin Soomaaliyeed oo badan la siiyay taageero dhaqaale si ay uga bilaabaan dhaqdhaqaaqyo mucaaradnimo gudaha Muqdisho. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ololahaan ayaa imaaraadku ka leeyahay laba ujeedo; in Madaxweyne Xasan Sheekh uu oggolaado shuruudaha Imaaraadka, oo ay kamid tahay in Jubaland iyo Puntland loo aqoonsado saaxiibo siyaasadeed oo gaar ah iyo in Muqdisho laga hirgaliyo mucaarad xooggan oo hubeysan, si uu u helo galaangal siyaasadeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Mowqifka Madaxtooyada Soomaaliya<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa khilaafka soo ifbixinaya madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu horreeya Madaxweynaha oo bilaabay inay si furan u muujiyaan sida ay u dhibsanayaan dhaqamada Imaaraadka, waxaana kulamo uu Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad la yeeshay diblomaasiyiin shisheeye ay Somali Stream ku ogaatay in uu jiro olole ka dhan ah Imaaraadka oo ay Villa Soomaaliya waddo haatan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa intaas dheer, Ra\u2019iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay saddex sano guurada Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u duur xulay in dowladihii siyaasiyiinta kala laaluushi jiray xilligan oo kale markii lasoo gaaro inay hawlahooda dib u bilaabeen. Hadaljeedintaas, waxaa laga dheehan karaa inuu u duur xulayo dhaqan siyaasadeedka Imaaraadka Carabta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ayaa si rasmi ah ugu guuleystay inay u diyaargaroobaan difaac siyaasadeed iyo mid amni oo looga hortagaayo faragelinta Imaaraadka. Sida ay xaqiijinayaan Saaxiibadda Madaxwweynaha Soomaaliya ayaa qaato go\u2019aano uu isku difaacayo waxaana kamid ah;<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">1. In hoggaanka ciidanka wax laga baddalo, loona dhiibo kuwa daacad u ah, iyadoo hoggaamadda laga fogaynayo saraakiisho muddada dheer xilka haysay ama shakigu saaran yahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2. In Mahad Maxamed Salaad dib loogu celiyo hogaanka NISA, si looga hortago faragelinta Imaaraadka Carabta iyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">3. In la xoojiyo xiriirka siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee lala leeyahay xulufada Sucuudigu hoggaamiyo, gaar ahaan kuwa taageeraya dowladda Suudaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Cudud Mucaarid oo Cusub<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa la filayaa in Muqdisho lagu qabto shirar mucaaradeed oo ballaaran, halka siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Jubaland iyo Puntland lagu casuumay Abu Dhabi si loogu mideeyo awood siyaasadeed oo cusub. Dowladda Soomaaliya waxay arrintaas u aragtaa isku day lagu wiiqayo xasilloonideeda siyaasadeed, waxayna u aragtaa in Imaaraadku si cad ugu tala galay inay xukunka kula dagaallamaan Madaxweyne Xasan Sheekh inta ka dhiman muddo xileedkiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kasta,<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeeysa Villa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadda gaartay heer adag, waxaana muuqata in labada dhinac ay si dhab ah ugu diyaar garoobeen dagaal siyaasadeed oo ah mid aan sahlanayn. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hase ahaatee dadka la socda siyaasada Soomaaliya sannadihii tagay ayaa qaba in ciddii gacan qaadka ku hormarta in ay guulaysanayso, waxayna ay kula talinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu codkiisa kor u qaado inta aan dagaalku ka bilaaban dayrkiisa.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo markii si rasmi ah loo galay dhammaadka sannadkii saddexaad ee xil hayntiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu wajahaya xaalad siyaasadeed oo cirka isku sii shareeraysa, iyada oo ay isa soo tarayaan dhaqdhaqaaqyo mucaaradnimo oo xooggan, kuwaas oo ay hoggaan u yihiin kooxo si dhaw ula shaqeeya Imaaraadka Carabta. Dowladdan Khaliijka ayaa iminka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009261,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009259","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009259","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009259"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009259\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009266,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009259\/revisions\/1000009266"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009261"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009259"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009259"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009259"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}