{"id":1000009199,"date":"2025-05-07T11:09:15","date_gmt":"2025-05-07T11:09:15","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009199"},"modified":"2025-05-07T11:09:15","modified_gmt":"2025-05-07T11:09:15","slug":"%f0%9d%90%88%f0%9d%90%a7%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8-%f0%9d%90%96%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%a8-%f0%9d%90%8c","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/05\/07\/%f0%9d%90%88%f0%9d%90%a7%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8-%f0%9d%90%96%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%ab%f0%9d%90%a8-%f0%9d%90%8c\/","title":{"rendered":"\ud835\udc08\ud835\udc27\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc1a \ud835\udc28\ud835\udc28 \ud835\udc16\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc2b\ud835\udc28 \ud835\udc0c\ud835\udc22\ud835\udc25\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc22 \ud835\udc24\ud835\udc2e \ud835\udc10\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc32 \ud835\udc0f\ud835\udc1a\ud835\udc24\ud835\udc22\ud835\udc2c\ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc0a\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc2b-\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc0f\ud835\udc1a\ud835\udc24\ud835\udc22\ud835\udc2c\ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc1a\ud835\udc32 \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc2e\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc28"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p>India ayaa weerarro millatari ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan, labada dowladoodna waxay xalay xaqiijiyeen dhacdadan. Pakistan waxay sheegtay inay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindi ah, taasoo sare u qaaday xiisadda u dhaxeysa labada quwadood ee hubka nukliyeerka leh, iyadoo khatartu tahay inay xaaladdu isu beddesho dagaal ballaaran.<\/p>\n<p>\ud835\udc16\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc08\ud835\udc27\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc09\ud835\udc1a\ud835\udc30\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1b\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc0f\ud835\udc1a\ud835\udc24\ud835\udc22\ud835\udc2c\ud835\udc2d\ud835\udc1a\ud835\udc27<\/p>\n<p>India waxay sheegtay in weerarrada gantaallada ee ay ku riday gudaha Pakistan in lagu bartilmaameedsaday \u201csaldhigyo argagixiso\u201d oo ku yaalla sagaal goobood oo gobolka Punjab ee Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho. Tallaabadan waxay timid kadib weerarkii lagu laayay dalxiisayaal ku sugnaa Kashmir-ta India laba toddobaad kahor, weerar ay India ku eedaysay Pakistan.<\/p>\n<p>Pakistan waxay sheegtay in ugu yaraan 26 qof lagu dilay weerarradaas, oo ay ka mid yihiin haween iyo gabar saddex jir ah, iyadoo 46 kalena la dhaawacay. Ra\u2019iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, wuxuu weerarradan ku tilmaamay \u201cfal dagaal,\u201d wuxuuna ballan qaaday in dalkiisu uu ka aargudan doono.<\/p>\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc1a\ud835\udc20\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc17\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 \ud835\udc0a\ud835\udc21\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc21\ud835\udc1a<\/p>\n<p>Laga bilaabo Arbacadii hore, labada dhinac waxay is-weydaarsadeen madaafiic xuduudda, iyadoo dad rayid ah oo labada dhinac ah ay sheegeen inay naftooda la cararayaan.<\/p>\n<p>Shakeel Butt, oo ku nool magaalada Muzaffarabad, wuxuu yiri: \u201cHoobiye ayaa ku dhacay guri ku dhow masjid, waxaana ku dhaawacmay laba qof. Hoobiyeyaal kalena waxay ku dhaceen guryo kale oo xaafaddeena ah, annaguna waxaan ka cararnay xaafadda annagoo u guurnay meel ammaan ah.\u201d Ilo dhanka India ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof lagu dilay dhanka India ee xuduudda.<\/p>\n<p>Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay \u201ciska difaacayeen\u201d markii ay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindi ah iyo diyaarad aan duuliye lahayn. Waxay sheegeen inay ka mid ahaayeen diyaaradahan saddex diyaaradood oo Rafale ah (oo ah diyaarado casri ah oo Faransiiska laga sameeyo).<\/p>\n<p>Sawirro ay baahisay warbaahinta AFP ayaa muujiyay burburka diyaarad dhulka ku dhacday waxaana loo badinaya diyaarada in ay leedahay India<\/p>\n<p>India horay ayay uga fulisay duqeymo dhulka Pakistan kaddib weerarro ay fuliyeen kooxo hubaysan oo ka dhacay gudaha dalkeeda, laakiin hawlgalka Arbacadii wuxuu noqday kii ugu qoto dheeraa ee India ay ka sameyso gudaha Pakistan tan iyo dagaalkii Indo-Pakistan ee 1971 \u2013dii kaas oo ahaa kii ugu weynaa dagaallada u dhexeeyay labada dal.<\/p>\n<p>\ud835\udc16\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc1c\ud835\udc1a \ud835\udc01\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc1a \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n<p>Hoggaamiyeyaasha adduunka iyo Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay weerarrada waxayna labada dal ku booriyeen in ay is-xakameeyaan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxay sheegtay inay si dhaw ula socoto xaaladda cirka isku sii shareereysa.<\/p>\n<p><strong>Saameynta Duulista iyo Dadweynaha<\/strong><\/p>\n<p>Weerarradu waxay sababeen in gobolka la geliyo heegan buuxa. Diyaaradaha ganacsiga badankood ayaa ka fogaaday hawada Pakistan, sida lagu arkay mareegta Flightradar24. Garoonka diyaaradaha ee Srinagar \u2013 oo ah magaalada ugu weyn ee Kashmir-ta India \u2013 ayaa la xiray, iyadoo diyaarado badan la hakiyay.<\/p>\n<p>\ud835\udc0a\ud835\udc1a\ud835\udc2c\ud835\udc21\ud835\udc26\ud835\udc22\ud835\udc22\ud835\udc2b: \ud835\udc01\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc14\ud835\udc20\ud835\udc2e \ud835\udc07\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc22\ud835\udc2c\ud835\udc2d\ud835\udc1a \ud835\udc01\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1a\ud835\udc27 \ud835\udc1e\ud835\udc1e \ud835\udc02\ud835\udc1a\ud835\udc1a\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc26\ud835\udc24\ud835\udc1a<\/p>\n<p>Gobolka Kashmiir, oo Muslimiin badan ay ku nool yihiin, wuxuu noqday bartii ugu weynayd ee is-mari waaga India iyo Pakistan tan iyo markii ay xorriyadooda ka qaateen Ingiriiska 1947. Labada dal wuxuu mid walba sheegtaa in Kashmir uu leeyahay, waxaana marar badan labada dal ku dhexmaray gobolkaa dagaalo culus<\/p>\n<p>Kashmiir waa mid ka mid ah meelaha ugu ciidan badan caalamka. Tobannaan sano kooxo hubeysan oo doonaya madax-bannaani ama in Kashmiir la hoos geeyo Pakistan ayaa la dagaallamayay ciidamada India, waxaana ku dhintay kumannaan qof.<\/p>\n<p>India waxay si joogto ah u eedeysay Pakistan inay hoy u tahay kooxaha hubeysan, eedeyntaas Pakistan way beenisaa.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>India ayaa weerarro millatari ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Pakistan, labada dowladoodna waxay xalay xaqiijiyeen dhacdadan. Pakistan waxay sheegtay inay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal oo Hindi ah, taasoo sare u qaaday xiisadda u dhaxeysa labada quwadood ee hubka nukliyeerka leh, iyadoo khatartu tahay inay xaaladdu isu beddesho dagaal ballaaran. \ud835\udc16\ud835\udc1e\ud835\udc1e\ud835\udc2b\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc24\ud835\udc1a \ud835\udc08\ud835\udc27\ud835\udc1d\ud835\udc22\ud835\udc1a \ud835\udc22\ud835\udc32\ud835\udc28 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009200,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,27,21],"tags":[],"class_list":["post-1000009199","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news","category-diblomaasiyadda","category-juqraafi-siyaasadeedka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009199","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009199"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009199\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009201,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009199\/revisions\/1000009201"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009200"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009199"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009199"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009199"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}