{"id":1000009188,"date":"2025-05-05T08:57:22","date_gmt":"2025-05-05T08:57:22","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009188"},"modified":"2025-05-05T10:02:03","modified_gmt":"2025-05-05T10:02:03","slug":"maxaa-sababay-dib-u-dhaca-shirka-madasha-wadatashiga-ee-maanta-loo-ballansanaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/05\/05\/maxaa-sababay-dib-u-dhaca-shirka-madasha-wadatashiga-ee-maanta-loo-ballansanaa\/","title":{"rendered":"Maxaa Sababay Dib-u-dhaca Shirka Madasha Wadatashiga ee Maanta loo Ballansanaa?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u00a0Warar sugan oo ay Somali Stream ka heshay laba il oo ku dhaw qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa tilmaamaya in shirkii ay iclaamisay Villa Soomaaliya ee Golaha Wadatashiga Qaranka in uu mar kale dib u dhac wajahayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shirkan oo loo madlanaa 1dii iyo 2dii bishan May ayaa dib loogu dhigay inuu qabsoomo berri oo Isniin ah. Hase yeeshee,<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>saddexdii Dowlad Goboleed ee shuraakada la ahaa Dowladda Federaalka ayaa ka caga jiidaya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ka sakow, maqnaansha Puntland iyo Jubaland oo tabashooyin iyo isdiid siyaasadeed ku maqan, haddana isku imaatinka dhinacyadii is oggolaa ayay ku gadaamanyihiin laba caqabood oo mid loo arko in Madaxweyne Xasan Sheekh isku abuuray, midna ay duruuftu abuurtay. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Awood-qeybsiga Xisbiga Cusub <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ku dhegganaanta Madaxweynaha ee Doorasho hal dhinac ah oo cinwaan looga dhigayo Qof iyo Cod, ayaa kooxda Madaxweynaha ku qaadday in ay samaystaan xulafo siyaasadeed oo ku midaysan hal xisbi. Madaxweynaha ayaa doortay inuu jaal siyaasadeed la noqdo qof kasta oo xil haya haddii uu doonaba aragti siyaasadeed yaysan wadaagin e. Si qorshahaas loo fuliyo, Madaxweynaha ayaa kala diray Xisbigiisii UPD oo ahaa urur midow oo ka yimid labada urur ee Daljir iyo Dam-Jadiid.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhismaha Xisbiga cusub ee Madaxweynaha ayaa lagu qanciyay Madaxweyneyaasha Dowladda Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee xulafada la ah Madaxweynaha, waxaana la isla qaatay in dib loo qaabeeyo UPD. Xubno ka tirsan Guddiga Farsamada ee loo xilsaaray qaabeynta Xisbiga UPD<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ayaa inoo xaqiijiyay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>in Dowlad Goboleedyadu soojeediyeen in magaca iyo haykalka hoggaamineed labadaba lagu laabto.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo Galmudug iyo Hirshabelle uu go\u2019aanka u gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh, haddana waxaa jiray heshiis hordhac ah oo dhexmaray Villa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo lagu jaangooyay in magaca Xisbiga iyo hab-dhismeedka hoggaankiisa intuba dib looga wada xaajoodo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa intaas dheer, in dhanka Koonfur Galbeed wadaxaajoodkaas loo wakiishay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Guddoomiyaha ayaa dhankiisa magacaabay saddex xubnood oo wadaxajoodka ku metasha Koonfur Galbeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Warar ku dhaw Kooxda UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegaya in soojeedinta Madaxtooyada Qaranka ay tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu noqdo Musharaxa Xisbiga, Ra\u2019iisul Wasaare Xamse uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga, halka Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa uu noqonayo Xoghayaha Guud ee Xisbiga. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa sidoo kale, awood qeybsiga laga siiyay Koonfur Galbeed inay ku yeelato Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hase ahaate doorka hoggaamineed ee la siiyey KGS ayaa ah mid aysan weli ku qancin iyaga oo aaminsan in siyaasaddii is-sarraysiinta labada beelood ee Fulinta Xukuumadda qabtaa ay weli socoto.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Ka qeybgalka SSC-Khaatumo ee Shirka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Caqabadda labaad ee baajinaysa shirka Madasha Wadatashiga waa aqoonsiga Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo oo ay Dowlad Goboleedyada xulafada la ah Villa Soomaaliya diidan yihiin. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmec Aw-Cali Firdhiye si uu uga qeybgalo shirka. Imaanshihiisa waxay daba socotaa safarkii Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre uu ku tagay Laascaanood iyo caasuumaaddii ay hore u dirtay Madaxtooyada Qaranka. Balse, ka qeybgalkiisa shirkan waxaa hareynaya hardan cusub iyo is jiidjiid ka dhex dillaacay Villa Soomaaliya iyo maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga soo tabinayaa inay saluug ka qabaan in xubinta cusub ee kusoo siyaadaysa Madasha ay ka dhigeyso maamul kaligiis ah maadaama miisaanka qabaa\u2019ilka ee Madasha Wadatashiga aysan iyadu waxba uga kordhaynin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa kale oo jira in Galmudug ay ka soo horjeeddo in SSC-Khaatumo miiska talada wax laga siiyo inay horseedi karto buuq iyo xasaraddo mustaqbalka uga kici kara Waqooyiga Galguduud taas oo dhiirrigelin karta wiiqitaanka isku haynta deegaannadeeda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhanka kale, Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa dhinaceeda walaac ka qabta sii xoogeysiga arrimaha Hiiraan State oo dhawr jeer oo hore u kaceen la qaboojiyay, xilliganna ay jiraan dhaqdhaqaaqyo u ololeeya in maamul cusub laga sameeyo Gobolka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba ha ahaatee, baaqashada Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyada oo ay hore u maqnaayeen Jubaland iyo Puntland ayaa culeys horleh ku ah Villa Soomaaliya, waxayna fursad siinaysaa faragelinta Beesha Caalamka oo haatan si dabacsan ku bilaabatay, lana filayo in ay gacmaha la soo galaan haddii aan xal degdeg ah la helin.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Warar sugan oo ay Somali Stream ka heshay laba il oo ku dhaw qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa tilmaamaya in shirkii ay iclaamisay Villa Soomaaliya ee Golaha Wadatashiga Qaranka in uu mar kale dib u dhac wajahayo. Shirkan oo loo madlanaa 1dii iyo 2dii bishan May ayaa dib loogu dhigay inuu qabsoomo berri [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009189,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009188","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009188","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009188"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009188\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009193,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009188\/revisions\/1000009193"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009189"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009188"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009188"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009188"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}