{"id":1000009167,"date":"2025-04-23T17:43:06","date_gmt":"2025-04-23T17:43:06","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009167"},"modified":"2025-04-23T18:15:43","modified_gmt":"2025-04-23T18:15:43","slug":"faallo-dagaalka-ka-dhanka-ah-al-shabaab-iyo-mustaqbalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/04\/23\/faallo-dagaalka-ka-dhanka-ah-al-shabaab-iyo-mustaqbalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"FAALLO: Dagaalka ka Dhanka ah Al-Shabaab iyo Mustaqbalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Soomaaliya waxay muddo ku dhow 20 sanno dagaal hubeysan oo dhiig badan uu ku daatay kula jirtaa ururka Al-Shabaab oo sheegta inay u dagaallamayaan si ay xukunka u qabsadaan, dalkana uga dhaqan-galiyaan afkaar diimeed oo xagjir ah, inkastoo sheegashadaasi si weyn looga soo horjeedo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Qormadaan waxaan rabaa inaan ku saleeyo awooda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo taageero ka helayo quwado shisheeye ay ku doonayaan in lagu wiiqo, ama lagu ciribtiro jiritaanka qaan-gaarka ah ee ururka Al-Shabaab.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">15-kii Bishii May, sanadkii 2022,<\/span><span class=\"s1\"> waxaa Soomaaliya ka dhacay isbedddel ku yimid hoggaanka dalka iyada oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>loogu doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waa muddo xileedkiisii labaad, waana 70 jir ka soo shaqeeyay arrimaha bulshada oo la rumeysanyahay inuu aragti fiican ka haysto sida ay ku abuurmeen kooxaha xagjirka ah ee sita magaca diimeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Nidaamkii hore ee Madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed \u2018Farmaajo\u2019 ayaa ku guulaystay dib u habeynta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed burburkii keddib. Doorashada Mudane Xasan ayaa iyana ku soo aadday iyada oo ururka Al-Shabaab ay la tacaalayeen cadaadis bulsho iyo kacdoon hubeysan oo ka curtay bartamaha dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Maxaa Sababay Kacdoonka Bulshada?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wuxuu ka dhashay cadaadis ka yimid kooxda hubeysan ee Al-Shabaab sida :<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">1. <\/span><span class=\"s2\">Sakawaatka: Lacagta baadda ah ee ay qaaddo kooxdu oo korortay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2. <\/span><span class=\"s2\">Ku takrifal awooddeed iyo maquunin shacab<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">3. <\/span><span class=\"s2\">Dil aan ku salaysnayn xeer iyo sharci.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">4. <\/span><span class=\"s2\">Go\u2019doon gelinta magaalooyinka waa weyn ee gobolka Hiiraan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">5. <\/span><span class=\"s2\">Guurka khasabka ah iyo askaraynta caruurta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kacdoonka gobolka Hiiraan ayaa qarxay waxyar keddib doorashadii Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna isku beddelay dagaal ummadeed oo si aan la qorsheyn loo fasaxay Ciidanka Xoogga iyadoo lagu armay inay safka dagaalka si hab-qan ah u galaan, kaalmana u noqdaan Macawisleeyda<\/span><span class=\"s2\">.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Dhabbaha Geerida ama Guusha<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida ku cad buugga caanka ah \u2018THE ART OF WAR\u2019 ee uu qoray <\/span><span class=\"s2\">Sun Tzu,<\/span><span class=\"s1\"> inaad gasho dagaal aadan si fiican u qorsheyn, waxay la mid tahay musiibo qaran, fashil, iyo dhimasho joogta ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maamulka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgiiba u xushay Wasaaradda Difaaca Wasiir aan lahayn aqoon ciidan, waaya-aragnimo dagaal (<\/span><span class=\"s2\">war veteran<\/span><span class=\"s1\">), hoggaamin Col kala duwan, islamarkaana faham buuxa aan ka haysan dhulka lagu dagaallamayo ee bartamaha Soomaaliya. Haddii aan si kale u dhigo waa dhulka Hirhshabeelle iyo Galmudug. Waxay taasi sababtay isbarbar-yaac, iyo nin bukoow boqolli kuu talisay. Waxaa batay kooxaha dagaalka u arkayay fursad dhaqaale iyo macaash ka raadin (<\/span><span class=\"s2\">war profiteers<\/span><span class=\"s1\">). <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maleeshiyaadka qabiillada ee loo yaqaano Macawisleeyda waxay noqdeen kuwa u tartama helista iyo kala badsiga rasaasta ay sida indha la\u2019aanta ah dowladu ugu qaybisay, taasoo markii dambe sababtay inay iyagu isku adeegsadaan meelaha qaarkood, ama ugu isticmaalaan si qaldan jid-gooyooyin (isbaarooyin).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Safafka colalka dagaalka ma ahayn kuwa nidaamsan, habeysan, qorsheysan, islamarkaana leh talis dhexe, mid sare ama mid hoose oo la wada ogyahay waxaana aag kasta oo dagaal uu ahaa nin-waloow madaxaaga mayrax ku xiro, taasoo fursad qaali ah u abuurtay Cadawga, islamarkaana siisay faham ay ku ogaadaan kuwa la dagaalamaya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Lama abuurin qolka xaaladaha ciidanka (Situation Room), kaas oo muhiim u ahaa isku xirka wax walba oo ku saabsan howlgalka ciidanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Daroogada sida ka ganacsiga Jaadka iyo is-gaarsiinta askartu isticmaasho ayaa iyaguna qeyb ka ah habacsanaanta ciidanka iyo is-dhexyaaca.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Cadawgaaga Baro, Adna Is-baro<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Cilmiga dagaalka waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah inaad Cadawgaaga si fiican u taqaannid, keddibna adigu si fiican isku taqaanno, mana dhici karto inaad ka guulaysato cadaw aadan aqoon. Ujeedadu ma aha inaad kaliya taqaannid magaca cadawga ee waa inaad faham buuxa ka haysato, xeeladaha iyo kaartooyinka dagaal ee cadawga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Dagaalladii Cawswayne iyo Galcad<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Bishii Agoosto, sanadkii 2023 iyo bilowgii isla sanadkaas waxaa dhacay labo dagaal oo diiwaanka ciidanka iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed aan marnaba kabixi doonin. Labadaas dagaal oo ka kala dhacay Degmada Galcad iyo deegaanka Cawswayne oo ka tirsan Galgaduud waxay hoosta ka xariiqeen fashilka istaraatiijiyadda dagaalka, gaar ahaan nooca loo qaabeeyay ama loo qorsheeyay tagista ciidanka ee labadaas aag, muhiimadda ay lahaayeen iyo inaan xitaa lagu talagalin waxa dhici karay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mashaqadii iyo jabkii ciidanka ee Galcad iyo Cawswayne waxay sidoo kale bannaanka keeneen karti xumada Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhiga oo isagu noqday nin gacmaha la galay maamulka hoose ee howlgallada ciidanka (<\/span><span class=\"s2\">Tactical operations<\/span><span class=\"s1\">). Waxay ahayd inuu ku ekaado fududeynta, isku dubaridka baahiyaha ciidanka, u qareemidda dhaawacyada iyo socod-siinta sahayda ciidanka si habeysan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Qisooyin Kooban oo Ku Saabsan Labada Dhacdo<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Intii aan ku jiray arruurinta xogta faalladaan waxaan la sheekaystay qaar ka mid ah shaqsiyaad xog-ogaal u ahaa labada dhacdo ee Galcad iyo Cawswayne. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">GALCAD<\/span><\/strong><span class=\"s1\">: Wasiirkii xiligaas ee Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa wacay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Danab, Alle ha u naxariistee Xasan Tuurre, wuxuuna ku amray inuu tago ama qabsado Galcad isagoo sii dhexmaraya dhul bannaan oo ay Al-Shabaab dhex joogeen. Taliye Xasan Tuurre waxaa kale oo loo sheegay in amarkaas uu bixiyay Madaxwayne Xasan, isna uu fuliyo. Taliyaha ayaa u sheegay Wasiir Jaamac in marka hore lala wadaago amarkaas Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, waase laga diiday. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Taliye Xasan Tuurre oo ka xun go\u2019aanka halka dhinac ah ayay ciidankiisu si fudud dagaal la\u2019aan u galeen Galcad. Laakiin nasiib darro, waxaa mar dambe cagta mariyay dagaalyahanno aad u hubeysnaa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo dhowr jiho ka soo weeraray halkaas, waxaana lagu dilay taliye Tuurre. Dagaalkaas waxaa sidoo kale Al-Shabaab uga dhintay dagaallamayaal tiro beel ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><strong>CAWSWAYNE<\/strong>: Dhacdadii Cawswayne ayay sidaas oo kale saraakiishii ciidanka codsadeen inaan ciidan qalab culus wata dhex dagi karin deegaanno ku yaala caloosha kooxda Al-Shabaab maadama difaacyada gurmadkana ay ka fogyihiin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Saraakiil tirsanaa Ciidanka Gorgor oo uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabo Bashiir ayaa diiday qorshahaas oo ahaa mid aan laga fiirsan, hase ahaatee qaar ka mid ah saraakiishii amarka diiday ayaa xilka laga qaaday, taas bedelkeedana waxaa dhacay foolxumadii Cawswayne. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ciidanka Soomaaliyeed oo si adag u dagaallamay waxay markii dambe gurmad la\u2019aan la kulmeen jab aad u xooggan iyada oo aan illaa maanta nolol geeri lagu sheegin askar iyo saraakiil uu ka mid ahaa w Shaah ma-cabe.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">\u00a0Doorka Macawisleeyda ee Dagaalka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maleeshiyaadka qabiilka ee Macawisleey waxay markii koowaad muujiyeen dardar iyo sida ay uga go\u2019antahay inay iska dulqaadaan culeysyada qallafsan ee dadkooda uga imaanayay ururka Al-Shabaab. \u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Qiimo u badan dhimasho, burbur iyo dhaawac ayay ku beddesheen go\u2019aankooda dagaal, waxayna xaqiijiyeen guulo deg deg ahaa iyaga oo sidoo kale kaalmo muuqata u noqday ciidanka nidaamsan ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Laakin, nimco walba nusqaan leh: Markii, hoggaanka dowladda dhexe ku mashquulay siyaasad, dastuur beddel iyo kala qaybinta Maamul Goboleedyada dalka, waxay taasi dhaxal-siisay halgankii macawisleyda inay iyaguna badda dhinac ka galaan, hubkoodana kula jeestaan gaadiidka safraya iyo dadka saaran, iyagoo isbaarooyin dhigtay dhulkii ay shalay dhiiga badan u daadiyeen si ay uga xoreeyaan Al-Shabaab.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Macawisleyda qaarkood ayaa dhinaca kale ku lug yeeshay dagaal beeleedyo iyada oo ay xitaa dhacday in ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka loo laayay wax lagu sheegay aano-qabiil. Halkaas waxaa ku saqiiray ruuxdii halganka Macawisleyda oo ay hadda Dowladda Federaalka xoog iyo xoolo ku bixinayso in dib loo arruuriyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Dib-u-Gurashada Ciidanka <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Saddex sanno oo halgan dhiig badan ku daatay keddib, waxaa hadda soo baxaya walaac aan la dheyalsan karin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xigmad-yahankii caanka ahaa ee Carbeed, Ibnu Khalduun, waxaa laga hayaa inuu yiri, <\/span><span class=\"s2\">\u201cummadii dhibane u noqota dhaawac jirka ah waa ay ka soo kabsataa, laakiin ummadaasi ma soo kabsato haddii ay dhibane u noqoto maskaxiyan ama duruufaha qalafsan dartood isku dhiibto.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Quursiga Cadawga iyo Dagaalka Warbaahinta<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Al-Shabaab waxay billaabeen inay culeys ciidan iyo mid maskaxeedba \u00a0saaraan deegaanno labo sanno kahor laga qabsaday, gaar ahaan dhulka sida xun loogu riiqmay ee Hirshabeelle. Haddii aan si kale u dhigo waa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxayna illaa hadda dib u qabsadeen ugu yaraan 20 goobood oo ay ku jirto magaaladii xudunta u ahayd howlgalka ee Aadan Yabaal.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kooxdu waxay sidoo kale, maal, maskax iyo muruq galisay dagaalka warbaahinta iyada oo wax badan uga hormatay, warbaahinta qaranka marka laga hadlayo dacaayadaha fagaarayaasha dagaalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Fashilka Warbaahinta Qaranka waxaa daliil cad u ah sida goobaha dagaalka loogu fasaxay dhallinyaro aan lahayn qibrad tabin dagaal (war reporting), islamarkaana aan shuqul iyo shaqo ku lahayn inay ciidamada la howlgallaan. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dagaalku ma aha xaflad aroos ama ciyaar kubbada cagta oo toos loo tabinayo, waxaana ka reebban in sirta ciidanka bannaanka la keeno, sida waqtiga ay guurayaan, qalabkooda, tiradooda, xeryahooda iyo halka ay saacadaha soo socda doonayaan inay weeraraan ama u dhaqaaqaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s2\">Maan adeegsanno, xigmadihii dagaalka ee ahaa !.Cadawgaaga markii aad u soo dhawdahay u dhaqan sidii inaad ka fogtahay, markii aad ka fogtahayna iska dhig sidii inaad u soo dhawdahay. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">Siyaasadeynta la Dagaallanka Argagixisada<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kooxo siyaasiin ah oo ku harreeysan taliska maamulka Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo kooxaha loogu yeero guul-wadayaasha oo caan ku ah AABE DALXOREEYE NOOLOW, ayaa iyaguna sabab u noqday ama abuuray kala qaybinta bulshada iyagoo sidoo kale u ekaysiiyay dagaalka Al-Shabaab \u2018OLOLE SIYAASADEED\u2019 oo lagu xaqiijin karo ajande siyaasadeed. Waxay kooxahaasi sidoo kale billaabeen in lagu aflagaadeeyo aragtidooda inta aamisan in wax badan ay ka qaldanyihiin sida wax u socdaan, loona baahanyahay in deg deg loo saxo, islamarkaana dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay qaddiyad lagu difaacayo jirintaanka Dalka iyo Dadka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s2\">\u00a0Gunnaanad iyo Talooyin <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxba yeysan ila baxsan faalladu, ee waxaan Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xusuusinayaa in la joogo waqti xasaasi ah iyo kala guur siyaasadeed oo ay tahay inuu kala doorto;<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">1. inaad<\/span><span class=\"s2\">\u00a0noqoto Madaxwaynihii ugu dambeeyay ee Qaran Soomaaliyeed oo leh Calan buluug ah, gacmihiisana ay ku burburtay Jamhuuriyadu.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2. <\/span><span class=\"s2\">Ama inaad noqoto waayeel waaya-arag ah oo fahmi kara baahiyada xaaladaha taaggan ee la xiriira Amniga Qaranka, midnimada iyo siyaasadda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><em><span class=\"s2\">Maxamed Odowaa waa Suxufi iyo falanqeeye siyaasadda iyo amniga oo madax-bannaan. Wuxuu sidoo kale wax ku qoraa warbaahina caalamiga ah sida Wakaaladda Wararka Jarmalka ee DPA. <\/span><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><span class=\"s2\">Email: <a href=\"mailto:Reporter.odowa@gmail.com\"><span class=\"s3\">Reporter.odowa@gmail.com<\/span><\/a><\/span><\/em><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u00a0<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Soomaaliya waxay muddo ku dhow 20 sanno dagaal hubeysan oo dhiig badan uu ku daatay kula jirtaa ururka Al-Shabaab oo sheegta inay u dagaallamayaan si ay xukunka u qabsadaan, dalkana uga dhaqan-galiyaan afkaar diimeed oo xagjir ah, inkastoo sheegashadaasi si weyn looga soo horjeedo. Qormadaan waxaan rabaa inaan ku saleeyo awooda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009168,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,29],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009167","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida","8":"category-aragtiyada","9":"category-kuwa-kale"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009167","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009167"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009167\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009172,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009167\/revisions\/1000009172"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009168"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009167"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009167"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009167"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}