{"id":1000009148,"date":"2025-04-14T19:25:56","date_gmt":"2025-04-14T19:25:56","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009148"},"modified":"2025-04-14T19:25:56","modified_gmt":"2025-04-14T19:25:56","slug":"madax-iyo-gacanyareyaal-ka-tirsan-al-shabaab-oo-cunaqabatayn-dhaqaale-lagu-soo-rogay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/04\/14\/madax-iyo-gacanyareyaal-ka-tirsan-al-shabaab-oo-cunaqabatayn-dhaqaale-lagu-soo-rogay\/","title":{"rendered":"Madax iyo Gacanyareyaal ka tirsan Al Shabaab oo Cunaqabatayn Dhaqaale lagu Soo Rogay"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maraykanka iyo lix dal oo kale ayaa shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo kala ah hoggaamiyayaal, howl-wadeenno iyo dad maaliyadda u fududeeya kooxdaas, kana howl-gala Soomaaliya. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shaqsiyaadkan ayaa ku lug lahaa hawlo badan oo taageero u ah kooxdan xagjirka ah, oo ay ka mid yihiin ururinta lacagaha iyo gurbinta qaraxyada gacanta lagu sameeyo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">War qoraal ah oo ay maanta soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu yiri, \u201ctoddobada dal ee xubnaha ka ah Xarunta La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ayaa si wadajir ah u shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab .\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xarunta<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ayaa la aasaasay bishii May 2017, ujeeddadeeduna waa<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>in la xoojiyo iskaashiga dhinaca la-dagaallanka maalgelinta argagixisada ee u dhexeeya Mareykanka iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka ee kala ah Baxrayn, Kuwait, Cummaan, Qatar, Sacuudi Carabiya, iyo Imaaraadka Carabta. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cKooxda Al Shabaab waxay weli ku sii hayaan cabsi iyo baad shacabka Soomaaliyeed, waxayna beeraleyda ugu cagajugleeyaan in ay si khasab ah u bixiyaan xoolo loogu magac daray Zako ama Sadaqo. Waxa kale oo ay afduubtaan dad rayid ah, iyaga oo carqaladeynaya guud ahaan ammaanka gobolka.\u201d Ayay tiri Anna Morris, oo ah Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee La-Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Bishii May 2024, Mareykanka waxa uu magacaabay dhowr xubnood oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayeen taageeridda Al Shabaab, oo ay ku jiraan fududeynta maaliyadeed, ganacsiyo ay wadaan, ku ururinta lacago magac kooxda iyo<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ka shaqaynta miinooyinka meelaha fog laga hago. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Magacyada dadka la cunaqabateeyay <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">15-ka qof ee hoos ku xusan waxay yihiin hoggaamiyeyaal goboleed iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo ka howlgalayay Gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Waxay ku lug lahaayeen ururinta lacagaha sharci darrada ah ee shacabka khasabka looga qaado, ayadoo canshuurahaas baada ah ay fuliyaan ciidan si been ah loogu magacaabay \u201cXisbah\u201d, afduubka dadka rayidka ah, iyo fududeynta samaynta iyo isticmaalka qaraxyada la hago.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">1-<strong>Xasaan Abshir Xuuroow<\/strong>: Sargaal sirdoon iyo maaliyadeed oo ka tirsan al Shabaab, wuxuuna xoolo si khasab ah uga qaaday dadka Kismaayo, isagoo xoolahaas dan gaar ah uga faa\u2019iidaystay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><strong>2-Aadan Yuusuf Saciid Ibraahim:<\/strong> Ururiye si<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>khasab ah lacagaha iyo xoolaha shacabka Shabeellaha Hoose uga qaada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">3-<strong>Mumin Dheere:<\/strong> Ku-xigeenka Amiirka Willaayada, Jubbada Hoose.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">4-<strong>Macalin Burhaan:<\/strong> Taliyaha Xisbada ee Jubbada Hoose; wuxuu xabsiga ku hayaa dad rayid ah oo gaaraya ilaa 80 qof oo u diiday in la sii daayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">5-<strong>Cali Axmed Xuseen:<\/strong> Amiirka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">6-<strong>Maxamed Cali:<\/strong> Taliye ciidan oo 100 dagaalyahan Taliye u ah, xiriirna la leh Ali Dheere, Burhaan iyo Xuuroow.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">7-<strong>Axmed Kabadhe:<\/strong> Amiirkii hore ee al-Shabaab ee Jubbaland, qorsheeyay weerarro ismiidaamin ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">8-<strong>Siyaad Ayuuto:<\/strong> Taliyaha Xisbada ee deegaannnada Willaayada Jubbada Hoose; hore wuxuu u ahaa Amiirka hawlgalka Kismaayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">9-<strong>Xassan Yariisow Aadan<\/strong>: Taliye ururiya lacagaha baadda ah ee<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Shabeellaha Hoose.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">10-<strong>Siciid Cabdullaahi Aadan:<\/strong> Khabiir qaraxyad ah, sidoo kalena lacag ururiye ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">11-<strong>Maxamed Cabdullaahi Xiireey:<\/strong> Guddoomiyaha al-Shabaab ee Jubbooyinka, wuxuu hormuud u yahay warbaahinta kooxda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">12-<strong>Cabdi Roobow:<\/strong> Taliye dhexe, oo<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>qorsheeyay weerarro kana dhacay Cabdalle Biroole, lana kaashaday Cali Dheere.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">13-<strong>Sh. Aadan Abuukar Malayle:<\/strong> Maamule<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>lacagaha shacabka laga soo ururiyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">14-<strong>Aadan Jiis:<\/strong> Taliyaha xisbada ee gacanta ku haya xarunta xabsiga kooxda iyo maxkamadaha beenta ah.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">15-<strong>Cumar Guhaad:<\/strong> Taliye sare oo kooxda u aruuriya lacaga qabiillada laga qaado.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maraykanka iyo lix dal oo kale ayaa shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo kala ah hoggaamiyayaal, howl-wadeenno iyo dad maaliyadda u fududeeya kooxdaas, kana howl-gala Soomaaliya. Shaqsiyaadkan ayaa ku lug lahaa hawlo badan oo taageero u ah kooxdan xagjirka ah, oo ay ka mid yihiin ururinta lacagaha iyo gurbinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009149,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28],"tags":[],"class_list":["post-1000009148","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-breaking-news"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009148","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009148"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009148\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009150,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009148\/revisions\/1000009150"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009149"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009148"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009148"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009148"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}