{"id":1000009118,"date":"2025-04-04T16:12:16","date_gmt":"2025-04-04T16:12:16","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009118"},"modified":"2025-04-04T16:41:24","modified_gmt":"2025-04-04T16:41:24","slug":"xilwareejin-laaanta-wasiirka-difaaca-ma-qalinka-rw-xamse-ayaan-dhaqangal-ahayn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/04\/04\/xilwareejin-laaanta-wasiirka-difaaca-ma-qalinka-rw-xamse-ayaan-dhaqangal-ahayn\/","title":{"rendered":"Xilwareejin La\u2019aanta Wasiirka Difaaca: Ma Qalinka RW Xamse ayaan Dhaqangal ahayn?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">17kii bishii hore ee Maarso ayeey ahayd<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>markii Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre uu soo saaray wareegto uu xilka ugu kala baddalay qayb kamid ah Golahiisa, halka uu laba Wasiir oo cusub ku soo daray xukuumadda uu hoggaamiyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkasta oo ay isku shaandhayn kooban ahayd, haddana waa tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo Ra\u2019iisul Wasaare Xamse, waxaana ay taabatay 5 wasaaradood oo 3 la isku baddalay, laba kalana Wasiiraddii joogay shaqada laga eryey.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xamse ayaa isku baddalkan kooban u sameeyey dhawr sababood oo isa saaran kuwaas oo ay ugu muhiimsanayd inuu Wasaaradda Gaashaandhiga ka qaado Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaas oo aan weli xilkii wareejin.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Haddaba waxaaa dood wayn ka taagan tahay sabbabta keentay in Wasiir xilka laga qaaday uusan muddo 20 cisho ah xilka wareejin, waxaana soo baxaya dhawr sababood oo tallaabada uu qaaday Wasiir Jaamac keentay. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidii la arki jiray, mas\u2019uulka xilka laga eryo ama laga wareejiyo waxay qaadataa in xil wareejin uu sameeyo muddo ku siman saddex berri, haddii aysan jirin duruuf gaar ah. Hore uma dhicin in Wasiir uu xilka iska sii haysto muddo dhan 20 maalmood sida Wasiirka xilka laga qaaday ee Gaashaandhiga Soomaaliya, kaas oo kursiga sii fadhiya maalmo ka badan kuwii uu xil la wareegistii Madaxweynaha Soomaaliya ay qaadatay. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Maxaa sababay inay shaqeyn wayso Wareegtada Ra\u2019iisul Wasaaraha?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waa dhacdo ugub ah in Wasiir xilkii laga wareejiyay uu iska sii haysto muddo saddex toddobaad ah, Wasiirkii loo igmaday shaqadaasna uu bannaanka xafiis la\u2019aan ku yahay kaddib markii laga soo wareejiyay Wasaaraddii uu hayey ee Ganacsiga oo xilwareejinteeda la dhammeystiray.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Layaab ayay dad badan ku noqotay inaysan dhaqan gelin muddada intaas la eg wareegtadii uu saxiixay Ra\u2019iisal Wasaare Xamse, waxaase layaab kale noqotay inuusan Ra\u2019iisul Wasaaruhu uusan wax tallaabo ah ka qaadin fulin la\u2019aan amarkiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xilligii uu u asteeyay Xafiiska Ra\u2019iisal Wasaaruhu inay ku dhacdo xil wareejinta labada Wasiir, waxaa si ku tala gal ah u dib dhigay Wasiir Jaamac sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah qabanqaabadii Xafladda Xilwareejinta. Baaqashada munaasabaddan ayaa lagu sheegay inay ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wargaliyay Xamse in Wasiir Jaamac uu xilka sii hayo ilaa uu soo dhammeeyo hawlo qabyo ah oo ay Madaxtooyada u dirtay. Hawlaha qabyada ah ayaa dib laga ogaaday in Madaxweynuhu ula jeeday safarkiisii Turkiga ee 27kii Maarso isago sita magaca Wasaaradda Gaashaandhigga.<\/span><\/p>\n<p><strong>Ashtakada Wasiirka cusub ee Difaaca<\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wasiirka magacaaban ee Gaashaandhiga Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid, oo bannaan joog ah 20 berri ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey Xafiiska Wasiirka koowaad maalinimadii Isniinta, waxaana ilo xog ogaal ah ay xaqjiinayaan in 48 saacadood gudahood uu amray Ra\u2019iisul Wasaaraha, oo ka bilaabanaysa berri oo Sabti ah inay xilwareejintu ku dhacdo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wasiirka Xilka ku magacaaban ee Gaashandhiga ayaa barihiisii bulshada ku qortay xilka uusan xafiiskiisa tegin ee Gaashaandhigga, halka Wasiirkii xilka hayana uusan beddelin shaqadiisii hore. Arrinta ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay leedaya laba Wasiir oo isku shaqo ah sida ay muujinaya xogaha shaqsiga ee tixraacyada cinwaannadda baraha bulshada ee labada Wasiir.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hore waxaa u adkaatay in lagu dhaqaaqo xilka qaadista Wasiir Jaamac oo muddo dheer soo jiitamaysay, waxaana xilligan ka sii adkaatay xil wareejintiisa, waxaana la ogayn waxa cusub oo keenay dib udhaca, waxaana hadda su\u2019aal la iska waydiinayaa awoodda Ra\u2019iisal Wasaaraha oo kari la\u2019 in Wasiir uu xilka ka qaaday uu xafiiska ka wareejiyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Isku beddelka Wasaradaha ayaa ku yimid ogolaanshaha Madaxweynaha kaddib culays uu kala kulmay dalalka taageera Ciidanka Soomaaliya. Hase ahaatee waxaa la ogayn muhiimadda Wasiir jaamac u leeyahy Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Madaxtooyadaba, inkastoo Wasiirka lagu baddalay uu kaga fara dhuudhuuban yahay arrimaha amniga iyo difaaca.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo xilleedkiisii hore si cad uga horyimid isku shaandhayn kooban oo saamaysay wasiiro saaxiib la\u2019 ahaa, waxaana khilaafkii ka dhashay isku beddelkaas uu galaaftay in meesha laga saaro Ra\u2019iisul Wasaarihii xilligaas Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisiiba. Balse, isbadalladan ayaa ka duwan oo ka dhashay cadaadis ay Madaxtooyadu<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>kala kulantay dalal uu Mareykanku hormuud u yahay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba, haddii mar kale la baajiyo xilwareejintan, waxaa hubanti ah in sii joogista Wasiirka<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay su\u2019aal galinayso awoodda qalinka Ra\u2019iisul Wasaaraha, sii xoojinayso dareenka haatan jira ee ah in Madaxtooyada iyo Wasiirka ay ka dhaxayso hawlo dhaafsan shaqada qaranka, ayna gaarsiin karto Xamse Cabdi Barre, oo hore tabashooyin uga qabay in awooddiisa loo gacan dhaafo, inuu heer kulkiisu cirka isku shareero.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>17kii bishii hore ee Maarso ayeey ahayd\u00a0 markii Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre uu soo saaray wareegto uu xilka ugu kala baddalay qayb kamid ah Golahiisa, halka uu laba Wasiir oo cusub ku soo daray xukuumadda uu hoggaamiyo. Inkasta oo ay isku shaandhayn kooban ahayd, haddana waa tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009121,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,29,30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009118","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-kuwa-kale","9":"category-warar","10":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009118","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009118"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009118\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009123,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009118\/revisions\/1000009123"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009121"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009118"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009118"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009118"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}