{"id":1000009109,"date":"2025-04-02T23:24:38","date_gmt":"2025-04-02T23:24:38","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009109"},"modified":"2025-05-11T17:46:58","modified_gmt":"2025-05-11T17:46:58","slug":"duullaanka-xuutiyiinta-soomaaliya-ma-u-dan-baa-ka-qeybgalka-dagaal-kale-oo-aan-ahayn-kan-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/04\/02\/duullaanka-xuutiyiinta-soomaaliya-ma-u-dan-baa-ka-qeybgalka-dagaal-kale-oo-aan-ahayn-kan-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Duullaanka Xuutiyiinta: Soomaaliya ma u dan baa ka qeybgalka dagaal kale oo aan ahayn kan Al Shabaab?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti, waxaana war ay faafisay Madaxatooyada Soomaaliya lagu soo koobay inuu halkaas u tagay sidii looga wada hadli lahaa amuuraha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay labada dal isku danta ka yihiin.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hase ahaatee, si ka duwan sida Madaxtooyadu shaacisay, tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaysa safarkan iydoo booqashadani salka ku hayso Dowladda Jabuuti oo dooneyso inay dalkeeda ka saarto isbahaysiga dagaalka looga soo horjeedo Xuutiyiinta sida ay ilo dublumaasiyadeed u xaqiijiyeen Somali Stream.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kulanka ayaa ku yimid dalabka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle si uu culeyska ka dhalan kara falcelinta Xuutiyiinta ugu leexiyo Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ilaha diblomaasiyadeed ayaa intaas ku daraya in wada hadallo dhex maray Dowladda Jabuuti iyo dhawr dal oo reer Galbeed oo saldhigyo ku leh dalkaas inay ka wada hadleen hawlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta, balse Dowladda Jabuuti ay u aragtay in weeararada laga qaado gudaheeda ay khatar galin karaan amniga Jabuuti.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Xasan Sheekh oo miino loo soo xambaariyey <\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kaddib wadaxaajiodyo dhexmaray Jabuuti iyo qaar kamid ah dalalka ay saldhigyadooda martigeliso, waxay wararku tibaaxayaan inuu Madaxweyne Geelle ku qanciyay dalalkaas in loo daayo halka noqonaysa saldhiga laga weerarayo Xuutiyiinta, lagana dul qaado culayska. Madaxweyne Geelle ayaa usoo jeediyey dalalkaas in Soomaaliya noqon karto baddal wacan oo lagaga duulo Xuuthiga. Jabuuti oo wakiil ka ah Soomaaliya ayaa soo jeedisay in Boosaaso iyo Berbera ay noqdaan saldhigyada weerarka laga qaadayo, sidaasna dalkeedu uga badbaado aargudasho ka timaada Xuutiyiinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Soomaaliya maku dari kartaa dagaalka argagixisada midka Xuutiyiinta?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Toddobaadyadii tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku sugnaa Degmooyinka Cadale, Aadan Yabaal iyo Moqokori oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Subaxii uu Madaxweynuhu u safrayay furimaha, waxaa loo dhigay shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo. Balse culeyska Al Shabaab ay soo saareen Degmooyinka Balcad iyo Afgooye, iyo is ballaarintooda deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa sababay inuu tago furimaha dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidanka qaranka iyo kuwa Macawisleeyda oo gaabis ku yimid.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Balse su\u2019aasha is waydiinta mudan ayaa ah, Soomaaliya diyaar ma u tahay inay gasho dagaal aan ahayn midka Al Shabaab oo laga soo xawilay dal kale? Haddii uu heshiis ay Dowldaha Galbeedka ku adeegsanayaan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>saldhigyo Soomaaliyeed la ogolaado sidee dadka Soomaaliyeed ee daggan Somaliland iyo Puntland uga badbaadayaan falcelinta Xuuthiyiinta? Sideese usii shaqeyn doonaan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso?<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Haatan, Xuutiyiinta ayaa awood u leh inay si joogta ah u duqeeyaan dalalka ay u arkaan inay qeyb ka yihiin duullaanka ka dhanka ah. Waxaa jirta inay dhawr jeer oo hore duqeeyeen dekeado iyo garoomo masaafo ahaan aad uga fog Yemen inta Berbera iyo Boosaaso u jiraan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Shalay iyo maanta, maalmo isku eg: Soomaaliya iyo dagaalka Xuutiyiinta!<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxay ahayd 7dii Abriil 2015 markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ogolaaday Isbahaysiga Sucuudiga ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta inay adeegsadaan dhulka iyo hawada Soomaaliyeed. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wasiirkii<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Arrimaha Dibadda ee xilligaas Dr. Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa warbaahinta u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u ogolaatay in hawadeeda iyo dhulkeeda loo adeegsado duqeymaha lagu wiiqayo inay \u201cShiicada\u201dXuutiyiinta ah qabsadaan dalka Yemen.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inkastoo ay Soomaaliya ogolaatay in dhulkeeda looga duulo Xuutiyiinta, haddana qorshihii isbahaysiga Sucuudiga ee looga hortagayay Xuutiyiinta waa uu fashilmay, waana laga adkaaday Dowladdii Yemen ee uu hoggaaminayay Cabdurabi Haadi Mansuur, oo markii dambe dalka Sucuudiga dibad wareeg ku noqotay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Go\u2019aamadii Dhexdhexaadnimada ee Maamulkii hore ee Farmaajo<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa jirtay in Dowladda Imaaraadla Carabta ay la timid qorshe ay Soomaaliya uga qeyb galayso dagaalka Yemen ee looga soo horjeeday Xuutiyiinta. Hase yeeshee, dalabkaas way diiday maamulkii xilligaas Villa Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shabakadda Middle East Monitor ayaa qortay war ay ka soo xiganayso Somali News oo laga soo wariyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya aysan ahayn \u201caalad raqiis ah\u201d oo loo adeegsado fulinta dalabaadkaas. \u201cYemen waa dal daris iyo walaal ah, iyadaana masuul ka ah sharafka iyo madaxbannaanida dadkeeda.\u201d Ayuu yiri Wasiirka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidoo kale, Maamulkii Farmaajo wuxuu muujiyay inuu dhexdhexaad ka yahay qaddiyado dhexyaallay dalal Carbeed sida khilaafkii Khaliijka ee Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac kale ah. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Haddii ay Soomaaliya qaaddo mar kale tallaabo lagu garab istaagayo dagaal aan keeda ahayn, wuxuu marag ka noqonayaa in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka ay tahay mid \u2018kiro\u2019 u joog ah. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Maxaa u xal ah Soomaaliya?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la daala dhacaysaa dagaal argagixiso, khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah oo kala dhaxeeya isbahaysi mucaarad oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal iyo Ra\u2019iisul Wasaareyaal, Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo duruufo dhaqaale yari ah. Sidaas darteed, inay dagaal wakaaladeed ka qeyb qaadato oo aysan ogayn cawaaqibta ka dhalanysa waa mid mudan in madaxda maanta ay si taxadar leh uga fiirsadaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa intaas dheer, dagaalkan lasoo xawilay waa mid ay hore u diideen ka qeybgalkiiaa dalalka Gobolka sida Jabuuti iyo Eritrea. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Jabuuti ayaa dhawr jeer oo hore uga hortimid<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>in dhulkeeda iyo hawadeeda loo isticmaalo weerar ka dhan ah Xuutiyiinta. Balse, qorshahan cusub ee ay Soomaaliya ugu soo xawilayso dagaalka Xuutiyiinta ayaa ka dhigan inuu soo fuulay culeys kaga imaanaya maamulka Donald Trump taasoo ay ku khasban tahay inay u weeciso Soomaaliya. Hase yeeshee, waxaa la arki doonaa sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga dabbaasho dabinkan loo qoolay!<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho kasoo degaya isago gacmaha ku sita miino, gaanjadeedu taallo Sanca, taas oo saacaddii ay doonta ku qarxi karta Soomaaliya, si gaar magaalooyinka la qorshaynayo in laga hoggaamiyo duullaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti, waxaana war ay faafisay Madaxatooyada Soomaaliya lagu soo koobay inuu halkaas u tagay sidii looga wada hadli lahaa amuuraha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay labada dal isku danta ka yihiin. Hase ahaatee, si ka duwan sida Madaxtooyadu shaacisay, tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009110,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,32,28,21,1,30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009109","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida","8":"category-aragtiyada","9":"category-breaking-news","10":"category-juqraafi-siyaasadeedka","11":"category-uncategorized","12":"category-warar","13":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009109","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009109"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009109\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009234,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009109\/revisions\/1000009234"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009110"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009109"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009109"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009109"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}