{"id":1000009070,"date":"2025-03-27T13:25:05","date_gmt":"2025-03-27T13:25:05","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000009070"},"modified":"2025-03-27T13:27:42","modified_gmt":"2025-03-27T13:27:42","slug":"maxaa-laga-ogyahay-safarka-madaxweynaha-ee-turkiya-iyo-kaalinta-ankara-ay-ka-qaadanayso-la-dagaallanka-argagixisada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/03\/27\/maxaa-laga-ogyahay-safarka-madaxweynaha-ee-turkiya-iyo-kaalinta-ankara-ay-ka-qaadanayso-la-dagaallanka-argagixisada\/","title":{"rendered":"Maxaa laga ogyahay safarka Madaxweyne Xasan ee Turkiya iyo kaalinta cusub ee Ankara la dagaallanka argagixisada?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeklh ayaa safar ugu baxay dalka Turkiga maanta. Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid aan hore loo sii shaacin ayaa ku soo aadday maalin uun kaddib kasoo laabashadiisii furimiha dagaalka xilli kooxda Al Shabaab ay dib ula wareegtay deegaanno cusub oo laba sano kahor laga saaray.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Turkiga oo ah dalka ugu wayn ee waqtigan Soomaaliya u ah saaaxiibka istaraatiijiga<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>ayaa ka caawiya dhinacyo kala duwan, xidhiidhka labada dal ayaana hadda u muuqda inuu u dallacayo mid iskaashi halka uu markii hore ahaa mid ku dhisan taageero iyo caawimaad Soomaaliya loo fidiyo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Booqasahda degdeg ah ee Madaxweynuhu ugu kicitimay Ankara ayaa salka ku haysa sedex qodob kuwaas oo kala ah; <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Heshiisya difaac iyo iskaashi Amni<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xaaladaha Amni ee kasoo cusboonaaday Soomaaliya iyo weerarada cusub ee Al Shabaab ayaa kamid ah ajandaha ugu sarreeeyey ee labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga kawada hadlayaan marka ay ku kulmaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Asbuucii hore waxaa Muqdisho soo gaadhay diyaaradaha dagaalka ee Jiilka 4aad ee Turkiga ee Akaanji, kuwaas loo diyaariyey inay Soomaaliya ka taageereen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida ila kudhow Villa Somaliya ay xaqiijinayaan labada Madaxweyne ayaa qalinka ku duugaya heshiis iskaashi difaac oo ogolaanaya inay ciidanka Turkigu ay ka barbar dagaallamaan kuwa Soomaaliya. Ma cadda in ciidanka Turkiga ay joogitaan dhab ah oo ay dagaalka qayb uga noqonayaan ku yeelanayaan Soomaaliya iyo in taageeradooda ku koobnaan doonto dhanka taageerada cirka iyo maamulka diyaaradaha wax duqeeya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Bilaabista Tababarka Ciidan Cusub<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Badhtamihii sanadkii 2023, turkiga ayaa hoos u dhigay soo saarista dufcooyin cusub kaddib markii cutubyada sida gaarka ah ay u tababareen ee Gorgor cabasho ka timid sida loo maamulay, Ankara ayaana markaasi joojisay inay xarayso ciidan cusub. Taas beddelkeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku halleysay gacan siinta Imaaraadka oo ballan qaaday inay u tababarayaan ciidan, hase ahaate aan gaadhin filashadii laga qabay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweynaha Soomaaliya ayaa codsan doona in dalka Turkigu uu tababar degdeg ah siiyo qayb kamid ciidan cusub oo loo diyaariyey inay ku biiraan ciiddamada Xoogaa Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inta uu ku sugan yahay Ankara, waxaa u qorshaysan Madaxwaynaha inuu booqdo qayb kamid ah xeryaha ay ku tababaranayaan askarta Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan dalka dib loogu soo celinayo si ay qayb ugu noqdaan gulufka dagaalka ee ka dhanka ah kooxda argagixisada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Kala War-qaadasho iyo Damaanad-qaad<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhawaan markii uuu booqday Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, waxaa uu warbaahinyta u sheegay in dalalka taageero hawlgalka Midowga Afrika ay niyad jab ka muujiyeen sii wadista taageerada Soomaaliya. Soo if-bixista warkan ayaa loo fasiray in dalal badan ay saluug ka muujiyeen sida ay Soomaaliya ugu tiirsan tahay Turkiga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa dalkaasi Rajab Dayib Erdogaan uga warbixinaya xaaladaha sida degdeg ah isu baddalaya ee Geeska. Kala war-qaadasho kaddib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Turkiga u xaqiijinaya sida dowladiisa uga go\u2019an tahay dhaqangelinta heshiisyadii hore, dhankoodana laga rabo Ankaro inay daammanad buuxda siiso inay Soomaaliya ku difaacayso fagaarayaasha caalamka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxyaabaha muhiimka ah ee kulankannoaga filayo ayaa ah inay labada Madaxweyne iska xaal wareystaan dhaqaajinta heshiiskii Ankare ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii looga mir dhalin lahaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inta badan dalalka reer Yurub ayaa walaac wayn kaqaba xidhiidhka sii kordhaya ee Ankara iyo Muqdihso kaas oo kudhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi, waxaana walaacaas soo kordhiyay markii ay Turkida fudeydeysay in xiriir diblomaasiyadeed, difaaciyo iyo mid dhaqaale oo ugub ah uu dhex maro Soomaaliya iyo Azerbaijan. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Turkiga ayaa ugu duwan Soomaaliya dalalka kale. Muqdisho waxaa ka furan Safaaradda ugu wayn ee turkigu ku leeyahay caalamka, Ankara ayaana ah dalka ugu weyn ee Soomaaliya ka taageera maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaalaha, waxaana labada dal sanadihii u dambeeyey dhexmaray heshiisyo ganacsi kuwaas oo qayb ka ah horumarinta Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyna Xasan Sheekh ayaa marka uu soo dhammaysto safarkii dalka Turkiga, lugta sii maraniya dalka sucuudiga, halkaas oo kaga qayb geli doono kulanka boqorka iyo madaxda dalalka Islaamka ee usoo cibaado tagay, waxaana jadwalka Madaxweynaha kujira inuu booqdo Xaramka si uu guto cumrada.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeklh ayaa safar ugu baxay dalka Turkiga maanta. Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid aan hore loo sii shaacin ayaa ku soo aadday maalin uun kaddib kasoo laabashadiisii furimiha dagaalka xilli kooxda Al Shabaab ay dib ula wareegtay deegaanno cusub oo laba sano kahor laga saaray. Turkiga oo ah dalka ugu wayn ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000009072,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,21,29,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000009070","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-juqraafi-siyaasadeedka","9":"category-kuwa-kale","10":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009070","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000009070"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009070\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000009074,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000009070\/revisions\/1000009074"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000009072"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000009070"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000009070"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000009070"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}