{"id":1000008967,"date":"2025-02-14T09:04:25","date_gmt":"2025-02-14T09:04:25","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000008967"},"modified":"2025-02-14T09:24:08","modified_gmt":"2025-02-14T09:24:08","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-ma-wuxuu-madaxbannaanida-dalka-ku-beddeshay-gacanta-bidix-ee-maxamed-bin-zayed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/02\/14\/madaxweyne-xasan-sheekh-ma-wuxuu-madaxbannaanida-dalka-ku-beddeshay-gacanta-bidix-ee-maxamed-bin-zayed\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan ma madaxbannaanida dalka ayuu ku beddelanayaa gacanta bidix ee Bin Zayed?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Asbuucan waxaa dalka Imaaraadka Carabta ka qabsoomay shir sannadle ah kaas oo lagu martiqaado madax dalal, ururada dowliga ah iyo kuwa caalamiga, shirkado ganacsi iyo qaybo kamid ah bulshada rayidka. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ajandaha ugu wayn ee lagaga hadlo shirkani waa soo bandhigista fursadaha dhaqaale ee caalamka, waxaana bandhigan uu faa\u2019iido u yahay ganacsiyada maalgashiga sameeya. Si gaar ah dalka martigeliya ayaa galaangal iyo fursado dhaqaale uga sameeya jeeb-wayntiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sanadkan waxaa martida looga yeeray Dubai kamid ahaa Wasiiro ka socday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kulamo khuseeya shaqadooda uga qayb galay fadhiyada shirka caalamiga ah ee madaxda aduunka. Sidoo kale waxaa madasha lagu casuumay Madaxweynaha dhawaanta la doortay ee Soomaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wafdi ka socday xukuumaddiisa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ka qayb-galka wafdiga Madaxweynaha Soomaliland ee Shirkan ayaa noqday markii ugu horraysay ay madaxda maamulkaas ay fursad iyo maqaam ka sarreeya kan Madaxda Federaalka ay ka helaan dalalka aduunka, isla markaasna ay joogaan mas\u2019uuliyiin ka socda Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Madaxweyne Cirro ayaa madasha ka jeediyey dooddiisa ku aaddan inay Soomaaliland tahay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, dulucda hadalkiisa ayuuna ka dhigtay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ahaayeen laba dowladdood oo mar midoobay, hase ahaatee uu maamulkiisa ka baxay midowgii sanadkii 1991, soona ceshtay qarannimadiisii ka luntay 1960kii.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Cirro waxaa uu ka faa\u2019iidaystay shirka dalalka aduunka ee Imaaraadka, isagoo doodda maamulkiisa ka dhigay mid caalami ah. Inuu masrax ay dad ka badan 6 kun oo qof oo madax qaran fadhiyaan dhagahoodu ay maqlaan doodda Cirro iyo nidaamkiisa maamul waxay u tahay Soomaaliland fursad ay sannado badan goobayeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Meeqaamka ka qaybgalka ee sarreeyey ee Soomaaliland ka heshay shirka waxay dhanka kale dharbaaxo siyaasaddeed iyo hoos u dhigid maamuus ku ahayd Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxaana in badan oo midnimo doonka Soomaaliyeed ah filayeen in Muqdisho ay qaadayso tallaabo diblumaasiyadeed oo ay kaga jawaabayso ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh weli kama hadlin falka ay ku kacday Abu Dhabi, wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ka socdayna waxay si caadi ah uga qayb qaateen jadwalka shirka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida ku jirta curfiga dublumaasiyadda dalalka is-aqoonsan ee caalamka kuma kacaan wax dhaawacaya madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada qaran ee dal calankiisu Qaramada Midoobay ka taagan yahay. Maqaam siinta iyo maamuusidda uu dalka Imaaraadka siiyey madaxda Soomaaliland waxay ka dhigantahay ku xadgudub ka dhan ah midnimada Soomaaliya iyo xeerka caalaamiga ahba.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aamusnaanta iyo jawaab la\u2019aanta Muqdisho ayaa lagu fasiray in Madaxweyne Xasan iyo xukuumadda uu hoggaamiyo aysan xilligan qaadi karin tallaabo lagu ilaalinayo wadajirka dalka, taas oo ka dhan ah Imaaraadka, sababta ayaana lagu sheego in Madaxweynuhu uu dano gaar ah ku qabo dalkaasi.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in aan laga aamusin fal kasta oo wiiqaya isku haynta dalka, taas beddelkeedana su\u2019aalo la isku waydiiyo hab dhaqanka dalka imaaraadka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maamulkii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marar dhawr ah xiriirka u jaray dalal ay booqdeen madaxda Soomaaliland sida Guinea Conakry halka kuwa kale ay aad u kala fogaadeen sida UAE iyo Kenya.<br \/>\n<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Bishii hore shir ka dhacay magaalada Diridhaba, waxaa hadal loo diiday wasiiro kasocday Soomaaliland, maadaama ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay diiday in la siiyo khudbad ku saabsan dabaaldeg loo dhigayey Xeerka Ciisaha oo helay aqoonsi Caalami ah. Falka Dirdhaba ka dhacay iyo kan Dubai ayay Dowladdu ku eegaysaa laba indha-gashi oo kala duwan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aamuska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhigan af-wax cunay xishoo, maadaama aan la aqoon dheefta ay hoggaanka Villa Soomaaliya dalkaas ku qabaan aysan ka maarmi karin xiliggan.<br \/>\n<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Diblumaasiyiin ay la hadashay Somali Stream ayaa inoo sheegay in madaxda dalka Imaaraadka ay dhaqan barteen siyaasiyiinta Soomaalida, danta ay ka leeyihiin Soomaaliyana ay ku dhisaan siyaasadda caloosha. Macne ahaan waa in laba qof oo is-diiddan aad gacmahaaga ku kala haysid oo aad midba gaar faraqa ugu buuxisid.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xilligan imaaraadka ayaa u muuqda inuu Madaxda Federaalka gacanta bidix jeebka u geliyey, waxaana uu dalkaasi ku dhawaaqay in uu dayn ka dhaafay Soomaaliya, taasoo ilowsiisay in madaxda Soomaalida iswaydiiyaan gacantii midig ee imaaraadka halka ay jirto oo ah inay shirka keentay hoggaamiye madax ka ah dowlad kala goynaysa Soomaaliya, ayna u maalgalisay \u00a0warbaahinta caalamka inay cirka geeyaan qadiyadda Soomaaliland.\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba ha ahaatee, habka uu u maamulay Madaxweyne Xasan martigelinta ay Dowladda Imaaradaka Carabta siisay Madaxweynaha Soomaaliland waxaa uu dhaawac ku yahay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 wadajirka iyo qarannimada <\/span>Soomaaliya, waana in madaxbannaanidii dalka la dhaafsaday dano shakhsi ah iyo deegaan ku noqoshada qoysaskooda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Asbuucan waxaa dalka Imaaraadka Carabta ka qabsoomay shir sannadle ah kaas oo lagu martiqaado madax dalal, ururada dowliga ah iyo kuwa caalamiga, shirkado ganacsi iyo qaybo kamid ah bulshada rayidka. Ajandaha ugu wayn ee lagaga hadlo shirkani waa soo bandhigista fursadaha dhaqaale ee caalamka, waxaana bandhigan uu faa\u2019iido u yahay ganacsiyada maalgashiga sameeya. Si gaar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000008968,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,29,1,30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000008967","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-kuwa-kale","9":"category-uncategorized","10":"category-warar","11":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008967","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000008967"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008967\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000008977,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008967\/revisions\/1000008977"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000008968"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000008967"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000008967"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000008967"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}