{"id":1000008961,"date":"2025-02-13T17:21:53","date_gmt":"2025-02-13T17:21:53","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000008961"},"modified":"2025-02-13T17:26:54","modified_gmt":"2025-02-13T17:26:54","slug":"sidee-soomaaliya-looga-adkaaday-kursiga-golaha-amniga-ee-midowga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/02\/13\/sidee-soomaaliya-looga-adkaaday-kursiga-golaha-amniga-ee-midowga-afrika\/","title":{"rendered":"Sidee Soomaaliya looga adkaaday  kursiga Golaha Amniga ee Midowga Afrika?"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p class=\"p1\">Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 9kii Jannaayo inay u tartamayso Kursiga Qeybta Bari ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ay codsigooda soo gudbisteen dalalka Djibouti, Rwanda, Ethiopia iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Warsaxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay inay Soomaaliya isu sharaxday sababo la xiriira matalaad ku dhisan xaqsoor maadaama ay tahay dalka kaliya ee gobolka Bariga Afrika ee aan fursad u helin inuu kursigaas ku fariisto taniyo markii la unkay Golahan sanadkii 2004. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa kale oo lagu sheegay warka Wasaaradda in Soomaaliya ay waligeedba u taagnayd qadiyadaha<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Afrika, iyadoo kaalin mug leh kasoo qaadatay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee qaaradda iyo in kamid ahaanshaha Golaha Ammaanka we Qaramada Midoobay oo ay isla sanadkan ku biirtay uu sii xoojinayo dadaallada ay Dowladda Soomaaliya uga qeyb qaadanayso horumarinta ajandeyaasha Afrika ee faagarayaasha caalamka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Muxuu kursigan muhiim ugu ahaa Soomaaliya?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Soomaaliya waxay qeyb ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo labada sano ee soo socoto kursigaas ku matali doonto Afrika oo idil, ayna wehliyaan laba dal oo kale oo kala ah Algeria iyo Siera Leone. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Habraaca ay ku wada shaqeeyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika ayaa ah in ajandaha ay dalalka qaarada kusoo heshiiyaan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>15ka dal ee ku jira Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika in loo gudbiyo fadhiga New York. Sidaas darteed, matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka wax wayn masoo kordhinayso haddii aysan qeyb ka ahayn gorfeynta go\u2019aannada Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Tan labaad ee ka muhiimsan waa in maadaama Soomaaliya ay ku jirto dalalka Midowga Afrika ay ka taageeraan amniga ayna kamid yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia kuwa ku sugan dalka, kuwaasoo isugu jiro kuwa ku jooga sharciyadda AUSSOM iyo kuwa aan ahayn, waxaa dhici karta in Ethiopia u adeegsato fursaddan inay danaheeda amniga Soomaaliya ku dhex fushato Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Afrika. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waa fursad wayn oo Soomaaliya ka luntay inaysan xitaa taageerin Rwanda oo dhexdhexaad ka noqon lahayd amniga iyo xasilloonida gobolka. Waxay muujinaysa faham la\u2019aanta haysata diblomaasiyadda Soomaaliya iyo sida ay isaga dayacday fursad qiimo badan oo ay albaabka saamaynta Ethiopia ee amniga dalka isaga soo xiri lahayd. Hadda sida uu xaalku yahay, labada sano ee nagu soo food leh, Soomaaliya waxay fadhin doontaa Golaha Ammaanka ee QM, halka Ethiopia ay saddex sano fadhin doonto Golaha Ammaanka Midowga Afrika. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Qaabkee u dhacay tartanka?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Doorashada kursiga waxaa usoo istaagay afar dal oo ay Soomaaliya ku jirta. Laba kamid ah (Djibouti iyo Ethiopia) waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah hawlgalka ATMIS ee haatan loo baddalay AUSSOM. Ethiopia ayaa gashay ololihii ugu xoogganaa, inkastoo ay ku khasbanaatay inay guusha ku xaqiijiso saddex wareeg. Djibouti ayaa si kedis ah uga baxday tartanka subaxii hore inta aan hoolka codbixinta lasoo galin, waana dhab haddii ay Golahaas gasho inay wiiqi lahayd fursadda Guddoonka ee uu muraahaxeeda Maxamuud Cali Yuusuf u tartamayo.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Wareegii koowaad waxaa codadka loo kala helay sidan; Ethiopia (24 ), Rwanda (13), Soomaaliya (11), waxaana xumaaday (1) cod. Wareeg labaad ayaa la isla aaday maadaama sharciga uu dhigayo in saddex meelood laba meel oo kaliya lagu guuleysan karo wareega koowaad. Waxaa wareegii labaad haddana ku noqday isla saddexda dal, waxayna kala heleen; Ethiopia (32), Rwanda (14), Soomaaliya (3). Wareegii saddexaad ayaa loo gudbay, waxayna lagu kala baxay; Ethioia (38), Rwanda (1), halka Soomaaliya ay heshay (10) cod.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Maxaa sababay guul-darrada Soomaaliya ee kursigan?<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><em><span class=\"s1\">1- Ka faa\u2019iideysi la\u2019aanta Soomaaliya ee Kursiga Golaha Ammaanka QM: <\/span><\/em><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ilo xog ogaal ah oo qeyb ka ahaa bilowgii dadaalladan ayaa noo xaqiijiyay inaysan Soomaaliya fadhigeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga faa\u2019iideysan inay taageero ballaaran ka hesho dalalka qaaradda. Maadaama saddex dal oo kaliya ay Afrika ku matalaan New York, Soomaaliya waxay saameyn ku yeelan kartay dalalka danaha ka leh Golaha Ammaanka, iyadoo ka caawin karta galalka ka yaalla Golaha Ammaanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><em><span class=\"s1\">2- Sal-la\u2019aanta siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaliya: <\/span><\/em><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Gabi dhaclaynta siyaasada arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa ka dhigtay dal aan la isku halleyn karin hadii uu kursigaas ku fariisto, taas oo horseed u noqotay inay dalalka Afrika ay codkooda u diidaan Soomaaliya. Waxaa kale oo intaas dheer oo si cad u muuqday in hoggaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee hawshan loo xilsaaray aysan ka muuqan dadaal dheeri ah oo u dhigma kuwa dalalka kale ay ugu galeen xusul duubka. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Balcad) ayaa dad xog ogaal ah noo xaqiijiyeen inuusan olole adag galin dhawrkii maalmood ee uu Addis Ababa ku sugnaa.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><em><strong><span class=\"s1\">3- Akhris la\u2019aanta xarig-jiidka doorashada: <\/span><\/strong><\/em><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Olole ahaan mar haddii ay Soomaaliya u caddaatay inaysan diyaar garaw fiican sameynin, waxaa laga filan karay in ay u tanaasusho Rwanda oo runtii kusoo dhawaan kartay Ethiopia haddii labadooda oo kaliya ay tartanka gali lahaayeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><em><span class=\"s1\">4- Daacadnimo la\u2019aanta Djibouti: <\/span><\/em><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa kale oo xusid mudan in Djibouti oo tartanka ku jirtay ay ka baxday xilli aan munaasab ahayn taasoo codadka saaxiibadeeda ah ee dalalka afka Faransiiska ku hadla u kala jabisay Ethiopia iyo Rwanda. Djibouti lafteeda waxaad mooddaa inaysan Soomaaliya isku dan ka ahayn oo ay mar walba karkaarka u waydaarinayso. Waxaa jirtay in maamulkii ka horreeyay midka haatan jira ay dhawr jeer tartanka kursigan uga hareen Djibouti, waxaana laga filan karay Djibouti dal xulafo la ah sida Soomaaliya inay markeeda u tanaasusho, una ololeyso sidii uu abaalkaas ugu celin lahayd. Curfiga diblomaasiyadda ee ah dhabarka ii xoq aan markayga kuu xoqee ayaa ka maqan Madaxda Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa la wada xusuusan yahay in murashixii Soomaaliya ee kursigan Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan uu Madaxweyne Xasan uga reebay tartanka si loo xoojiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti taasoo buuq ka dhex abuurtay Goleyaasha Dowladda. Waxaa muuqata in Djibouti ay tartankan isku dan ka noqdeen Ethiopia, oo sidaasi Soomaaliya uga siibatay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><em><strong><span class=\"s1\">Gunaanad:<\/span><\/strong><\/em><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Si kastaba, Soomaaliya ayaa lumisay fursad muhiim ah oo ay kursigan ku hanan kartay ama ay ku gacan siin kartay Rwanda, iyadoo uga faa\u2019iideysanaysa fadhigeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay codadka ugu badan u leexiso dal dhexdhexaad ka noqon kara arrimaha Geeska Afrika, kana baaqsato ka qeybqaadashada tartan aysan u diyaar garoobin.<\/span><\/p>\n<p>Casharka diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsan ee halkan laga qaadan karo waa in Muqdisho ay ku dhisto go\u2019aannadeeda diblomaasiyadeed dano isku sidkan iyo caqliyad dheef wadaag ah, kana garaadsato siyaasadda caadifadda ku jaango\u2019an ee mar walba ay dalalka kale uga faa\u2019iidaystaan danahooda, kana weecdaan marka Soomaalidu dano ka yeelato.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday 9kii Jannaayo inay u tartamayso Kursiga Qeybta Bari ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ay codsigooda soo gudbisteen dalalka Djibouti, Rwanda, Ethiopia iyo Soomaaliya. Warsaxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay inay Soomaaliya isu sharaxday sababo la xiriira matalaad ku dhisan xaqsoor maadaama ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000008962,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,28,30,23],"tags":[],"class_list":["post-1000008961","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtida","category-breaking-news","category-warar","category-warbixinno-gaar-ah"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008961","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000008961"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008961\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000008966,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008961\/revisions\/1000008966"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000008962"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000008961"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000008961"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000008961"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}