{"id":1000008934,"date":"2025-02-05T22:52:18","date_gmt":"2025-02-05T22:52:18","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000008934"},"modified":"2025-02-05T22:52:18","modified_gmt":"2025-02-05T22:52:18","slug":"ururada-haweenka-soomaaliyeed-oo-ka-cawday-quursi-siyaasadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/02\/05\/ururada-haweenka-soomaaliyeed-oo-ka-cawday-quursi-siyaasadeed\/","title":{"rendered":"Ururada Haweenka Soomaaliyeed oo Ka Cawday Quursi Siyaasadeed"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p><strong><em>W\/Q: Faadumo Cabdullaahi<\/em><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Midowga Ururada Haweenka ee Soomaaliyeed ayaa cod dheer ku muujiye walaac xooggan oo ku saabsan waxa ay ugu yeedheen curyaamin iyo quudhsi ka dhan ah metelaadda haweenka iyo doorkooda hoggaamineed, taas oo lagu burburinayo dedaaladii iyo horumarkii haweenku ka gaadheen hogaaminta dalka, iyadoo tallaabadii ugu dambeysey ay dawladdu ku burburisey Wasaaraddii Haweenka oo laf dhabar u hayd sinnaanta jinsiga iyo u qareemidda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Wasaaradda Haweenku ka hor intaan meesha laga saarin waxay tiir dhexaad u ahayd dhammaan guulaha laga gaadhey hoggaaminta iyo ka qayb galka siyaasadda, burburinteeduna waxay dhaawac weyn ku tahay wixii lasoo dhisayey muddo tobanaan sano ah taasoo haweenka dib ugu celinaysa loollankii<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>iyo marxaladihii adkaa ee ay kasoo mareen siyaasadda ragga u seeraysan.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Ka Sifaynta Haweenka ee Xilalka Dowladda<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Midowga Ururada Haweenka ayaa diiwaangeliyey kor u kaca tirada haweenka laga saarayo nidaamka dawliga ah tan iyo markii uu Xafiiska Madaxweynaha la wareegey Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka mida xubnaha ilaa iminka meesha laga saaray.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">1) Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska iyadoon lagu beddelin haweeney kale,<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2) Xisaabiyihii Guud ee Qaranka,<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">3) Ku Xigeenkii Bangiga Dhexe,<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">4) Xoghaye Ku Xigeenkii Joogtada ahaa ee Xafiiska Raysal Wasaaraha,<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">5) Agaasimihii Guud ee ku meel gaadhka ah iyo Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sidoo kale waxaa la hor istaagey haween aqoonyahanno ah oo u tartamayey xilal sarsare oo Afrika iyo heer caalamiba isugu jira.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhammaan xadgudubyadaan ayey haweenku ku tilmaameen kuwo meel ka dhac ku ah Dastuurka dalka oo si cad u qeexaya qoondada dumarka ee ka qaybgalka siyaasadda oo ah 30%.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\"> Dhiillo: Ku Tumashada Xuquuda Haweenka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Ka hor inta aan la bur burin Wasaaradda Haweenku waxay door muhiima ka ciyaartay hubinta metelaadda iyo doorka ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka, iyadoo u samaysay wacyigelino iyo abaabul si loo abuuro jawi siyaasadeed oo ku habboon, haatanse waxaa muuqda dhiillo iyo hubanti la\u2019aan ku wajahan hablaha Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Tallaabooyinkani waxay waddo cusub u furayaan tacaddiyo iyo xadgudubyo aan loo meel dayin oo loo geysto qayb bulshada ka mid ah oo awalba nugleyd&#8221; ayaa qoraalka lagu yidhi. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Ka sifaynta xilalka sare iyo is hortaagga lagula kacay qaar kamida dumarka ku hanweynaa ka qaybgalka hoggaanka dalka<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>iyo caalamkaba ayaa muujinaya walaac xooggan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>oo ah in si ku talagal ah loo burburinayo xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. <\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Waxaa niyad jab weyn ah in dhowaan gabadh u tartamaysey inay Soomaaliya ku metesho Midowga Afrika, aysan wax taageero ah ka helin dawladda taas bedelkeedana lagu cadaadiyey inay tartanka iskaga hadho waana tallaabo mudan cambaarayn toos ah.\u201d Ayaa mar kale qoraalka lagu yidhi.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Baaq wax ka qabasho degdeg ah<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Waxaanu ugu baaqaynaa Xubnaha Haweenka ku metela golayaasha Xildhibaanada, gaar ahaan Ku Xigeenka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin inay si degdeg ah uga hadlaan arrintaan, ayna kula xisaabtmaan Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre Iyo xukuumaddiisa tacaddiyada siyaasadeed ee ka dhanka ah xuquuqda haweenka Iyo doorkooda hoggaamineed. Sidoo kale waa inay dawladdu si degdeg ah usoo celisaa Wasaaraddii Haweenka Iyo boosaska kale ee laga fara maroojiyey dumarka si loo ilaaliyo isu dheellitirka dawladnimada. <span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 \u00a0 \u00a0<\/span><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Haddaanu nahay haweenka Soomaaliyeed waxaanu door muhiim ah ku leenahay kuna lahaan doonnaa taariikhda dalka, mana aqbali doonno in guulihii aannu usoo halgannay si ula kac ah hortayada loogu bur buriyo arrintaas waxaan uga fadhinaa Raalligelin iyo in si degdeg ah wax looga qabto cabashadayada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong><span class=\"s1\">Baaqa Beesha Caalamka<\/span><\/strong><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">&#8220;Haweenka Soomaaliyeed waxa ay baaq u dirayaan Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobey, Midawga Afrika iyo Hay\u2019adaha Xuquuqul Insaanka, waxayna ka codsanayaan in Dawladda Soomaaliya culays lagu saaro inay dib uga noqoto siyaasadaha wiiqaya doorka hoggaamineed iyo ka qaybgalka siyaasadeed ee haweenka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Talaabooyinkii ugu dambeeyey ayaa walaac weyn ka dhaliyey mustaqbalka xuquuqda haweenka ee Soomaaliya, iyadoo falanqeeyayaashu ay ka digayaan in haddaan la faragelin ay arrintani dhaawac weyn u horseedi doonto dawladnimada iyo dimuqraaddiyadda dalka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dunida ayaa haatan indhaha ku haysa inay dawladdu ka dhabayso ballanqaadyadeedii ku aaddanaa ilaalinta xuquuqda haweenka iyo inay kusii socoto jidka ay haatan qaaday ee ay haweenka kaga sifaynayso hoggaaminta iyo go\u2019aan gaadhista dalka.<\/span><\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>W\/Q: Faadumo Cabdullaahi Midowga Ururada Haweenka ee Soomaaliyeed ayaa cod dheer ku muujiye walaac xooggan oo ku saabsan waxa ay ugu yeedheen curyaamin iyo quudhsi ka dhan ah metelaadda haweenka iyo doorkooda hoggaamineed, taas oo lagu burburinayo dedaaladii iyo horumarkii haweenku ka gaadheen hogaaminta dalka, iyadoo tallaabadii ugu dambeysey ay dawladdu ku burburisey Wasaaraddii Haweenka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000008935,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[25,1,30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000008934","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-aragtida","8":"category-uncategorized","9":"category-warar","10":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008934","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000008934"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008934\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000008936,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008934\/revisions\/1000008936"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000008935"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000008934"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000008934"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000008934"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}