{"id":1000008813,"date":"2025-01-24T09:18:41","date_gmt":"2025-01-24T09:18:41","guid":{"rendered":"https:\/\/somalistream.com\/som\/?p=1000008813"},"modified":"2025-01-24T09:19:28","modified_gmt":"2025-01-24T09:19:28","slug":"soomaaliya-iyo-masar-oo-kala-saxiixday-heshiisyo-waa-weyn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/somalistream.com\/som\/2025\/01\/24\/soomaaliya-iyo-masar-oo-kala-saxiixday-heshiisyo-waa-weyn\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Masar oo kala Saxiixday Heshiisyo"},"content":{"rendered":"<div class=\"initial-letter\"><p><strong>Qaahira-<\/strong> Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa gaadhay heshiisyo iskaashi ah oo heer sare ah kaddib markii magaalada Qaahira ee dalka Masar uu booqasho ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Muddadii uu kusugnaa Madaxweynaha dalkaasi waxaa uu kulamo laqaatay dhiggiisa Masar Cabdilgataax Alsiisi, waxaana halkaasi lagu saxiixay heshiisyo dhexmaray labada dal.<\/p>\n<p>Inta ay ku guda jireen wadahadalkooda, labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay heshiisyo iskaashi oo sare loogu qaadayo xidhiidhka labada dal, waxaana Madaxda Masar iyo Soomaaliya ay isku raaceen, qalinkana ku duugeen heshiiska Iskaashiga Istaraatiijayadeed ee Soomaaliya iyo Masar.<\/p>\n<p>Inta uu socday kulanka Madaxweynayaasha labada dal waxaa sidoo kale laga wadahadlay iskaashiga arrimaha amniga, waxaana Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Soomaaliya dhankooda kala saxiixdeen heshiis lagu fududaynayo isu-socadka labada dal, iyadoo Masar ay fiisaha ama dal-ku-galka ka dhaaftay Baasaboorka Soomaaliya ee Dublumaasiga ah.<\/p>\n<p>Kadib markii ay qalinka ku duugeen heshiiska Iskaashiga istaaraatiijiyaddeed ee labada dal, madaxweynayaasha ayaa war kooban siiyey saxaafadda, waxayna ka hadleen muhiimada heshiisyada ay gaadheen u leeyahiin dalalkooda.<\/p>\n<p>\u201cHeshiiskani waxaa uu uga dhigan-yahay xidhiidhkeena (Masar iyo Soomaaliyal) waacusub, isagoo diiradda saaraya iskasshiga waxbarashada, amniga, iyo ganacsiga, korna u qaadaya xidhiidhkeena laba geesoodka ah\u201d ayuu yidhi Xasan Madaxweynaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhankiisa Madaxweynaha martida loo ahaa ayaa ka sheegay madasha saxiixa heshiiska \u201cwaxaan ka wada hadalnay aniga iyo walaalkay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0 <\/span>Madaxweyne Xasan arrimo dhawr ah, si gaar ah waxaanu xoogga saarnay arrimaha siyaasada iyo nabbad-gelyada Geeska Afrika iyo xaaladaha amni ee Marinka Badda Cas. Waxaana isku raacnay baahida loo qabo iskaashigeenna iyo dedaalkeena si kor loogu qaado ammaanka iyo xasilloonida gobolkan taas oo xoojinaysa deganaanshaha caalamka.\u201d<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p>Safarkan ayaa ah kii afraad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu dalkaasi ku tago tan iyo markii uu xukunka yimid bishii May 2022, waxaana uu kusoo beegmayaa kaddib asbuuc socdaalkiisii uu kutegay Addis Ababa. Safarada uu Xasan Sheekh ku tegayo Caasimadaha dalalka Afrika ee saamaynta ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa loo arkaa kuwa hoos loogu dhigayo walaaca ay dalalka qaar ka qaadeen saxiixii Baaqii Ankara, kaas oo meesha ka saaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay Heshiiskii is-afgarad ee ay gaadheen Soomaalilaand iyo Itoobiya bishii koowaad ee sanadkii dhammaaday ee 2024.<\/p>\n<p>Marka la eego sida loogu qaabilay Qaahira iyo soodhawyntii loogu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Qasriga Itixaadiya ee Madaxtooyada dalka Masar, waxaa lagu fasiri karaa inay ahayd mid Al-siisi uu kaga jawaabayey hab maamuskii sarreeyey ee Abiy Axmed uu ku qaabilay Madaxweyne Xasan intii uu booqashada kujoogay dalkaasi.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p>Dalaka Itoobiya iyo Masar ayaa ah kuwa ay u dhaxayso xurguf iyo loollan ku aaddan ka faa\u2019iidaysiga biyaha Webiga Niil, waxayna xilligan markale ku tartamayaan xidhiidhka ay layeelanayaan Soomaaliya iyagoo ku dhisaya danahooda istaraatiijiga iyo amnigaba ah oo ay ugu horrayso arrimaha Badda Cas.<\/p>\n<\/div>","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaahira- Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa gaadhay heshiisyo iskaashi ah oo heer sare ah kaddib markii magaalada Qaahira ee dalka Masar uu booqasho ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Muddadii uu kusugnaa Madaxweynaha dalkaasi waxaa uu kulamo laqaatay dhiggiisa Masar Cabdilgataax Alsiisi, waxaana halkaasi lagu saxiixay heshiisyo dhexmaray labada dal. Inta ay ku guda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":1000008814,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[28,21,1,30,23],"tags":[],"class_list":{"0":"post-1000008813","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-breaking-news","8":"category-juqraafi-siyaasadeedka","9":"category-uncategorized","10":"category-warar","11":"category-warbixinno-gaar-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008813","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1000008813"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008813\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1000008817,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1000008813\/revisions\/1000008817"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1000008814"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1000008813"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1000008813"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/somalistream.com\/som\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1000008813"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}